16th September 2024  admin  Category :

Itoobiya: ‘Hadallo marin habowsan ayaa mar walba naga soo gaara madaxda Soomaaliya’

Dawladda itoobiya ayaa waxa ay walaac ka muujisay wax ay ugu yeertay ‘eedeymo marin habowsan’ oo iyada ka dhan ah kuwaas oo si joogto ah uga soo gaara madaxda dawladda Soomaaliya iyo hub ay sheegtay in laga dusiyo xuduudaha dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa lagu yiri, “Waxaan si dhaw ula soconaa weedhaha kicinta ah ee soo noqnoqday ee ka soo yeedhaya Dawladda Federaalka Soomaaliya,”.

Itoobiya ayaa sheegtay in aysan ka jawaabi doonin eedeymo ay ku tilmaantay “kuwa aan raad lahayn” oo uga imaanaya dhanka madaxda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa isbarbartaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaan isku daynay inaan xiriir la sameyno, si aan wax uga waydiino walaaca ay qabto Itoobiya ee la xiriira eedeymaha la sheegay “in ay soo jeedisay Soomaaliya iyo hubka laga soo talaabiyo xuduudaha”, balse nooma suuragalin inaan helno.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf diblumaasiyadeed oo salka ku haya heshiiskii is afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bilowgii sanadkaan. Balse dhawaan ayaa gaadiid hub soo galiyay gudaha xuduuda Soomaaliya waxay dawladda Soomaaliya sheegtay in hubkaasi ka soo galay dhinac Itoobiya.

.

Warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa lagu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay tahriibinta qoryaha fudud iyo hubka yaryar xilli gobolka Geeska Afrika ay ka jiraan xaalado colaadeed.

Hubka ay dawladda Soomaaliya sheegtay in uu ka yimid dhinac Itoobiya ayaa waxa uu gacanta u galay dad shacab ah oo ku nool gobolka Galguduud.

Dawladda ayaa sheegtay in hubkaas ay soo galiyeen gudaha dalka kooxo si sharci darro uga ganacsada hubka, waxaana ay sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto dhacdadaas.

War-saxaafadeed xilligaas soo baxay ayaa lagu sheegay in ka ganacsiga hubka sharci darrada ah uu fursad u yahay kooxaha argagixisada ah iyo hurinta colaadda beelaha.

Dhanka kale, Jamhuuriyada iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa war ka soo saartay hubkaas gacanta u galay dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada Galmudug waxay ku sheegtay in ay welwel xooggan ka qabaan sida ay wax u dhaceen.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka Somaliland.

hub

Wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland oo soo saartay warkaan ayaa raacisay hadalkeeda: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”.

18 kii July ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay magaalda Muqdisho ku yeesheen Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, waxay ka soo saareen awaamiir ka kooban dhowr qodob oo ay kaga hadleen xaaladda xamaynta hubka ee dalka ka dib dhacdadii Caabudwaaq ee hub ku rarnaa gawaari xamuula uu gacanta ugu galay maleeshiyaad iyo dad shacab ah.

Qodobada ka soo baxay shirka golaha waxaa ka mid aha in madaxda isku raacday dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, iyo in si deg deg ah loo horgeeyo golaha wasiirrada.

Xiisadda ka dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya oo soo jiitameysay muddo dhawr bilood ah, ayaa waxay gaartay meelo ay ka mid yihiin urur goboleed IGAD, Miwoega Afrika iyo Qaramada Midoobay. Ma jiro ilaa iyo haatan wax xal ah laga gaaray khilaafka labada dal, in kasta oo uu jiro wada hadal gogoshiisa la dhigay Turkiga oo loo madalsan yahay in wajigiisa labaad uu dhaco bisha September, sida uu horay u sheegay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*