17th October 2024  admin  Category :

Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka dhacay MuqdishoΒ 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS  Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax nabadeed oo ay Bulshada magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee TΓΌrkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku leeyahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed, asigoo sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya.

Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaannadii isu soo baxa ka hadashay ayaa si wadajir ah u xusay in dib u doorashada Madaxweynaha Turkiga Erdogan ay tahay talaabo taariikhi ah, ayna ugu hambalyeeynayaan guushaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*