7th September 2024  admin  Category :

Isbarbardhiga mushaarka Askariga Soomaaliga ah iyo kan ATMIS iyo waxyaabaha kale ee ay isdheer yihiin

Dhamaadka sannadka dambe waxaa ku eg muddada joogitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay iyana isku diyaarinaysay inay amniga la wareegto marka askariga ugu dambeeya ee ciidanka nabad ilaalinta uu dalka ka baxo.

Ciidanka ATMIS oo hore u ahaa hawlgalka AMISOM waxay Soomaaliya ku sugnaayeen tan iyo 2006, waxaana tiradii ugu badnayd ee ciidankaas ay gaartay 22,000 oo askari ka hor inta aan la bilaabin hawlgalka lagu dhimayo tirada askartaas badankood laga keenay Uganda, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti.

Labada kun ee askari ee ATMIS ay dhintay ayaa markii la diray ka dib waxaa dawladda Soomaaliya lagu wareejiyey xeryo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo ee koofurta Soomaaliya kuwaasoo ay ciidankaas ka hawlgali jireen, waxayna kala yihiin Geriley, Marka Ayub, Jaziira 1, Cadale, Arbacow, Miirtaqwo, Xaaji Cali.

Xoogga Dalka
Qoraalka sawirka,Xoogga Dalka

Maamulka lacagta, Waddada ay soo marto iyo halka ay ka timaado

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah wargeysyada gobolka ka soo baxa oo ah the East African Standard, golaha midowga Yurub wuxuu bishii Luulyo ee sannadkii hore ansixiyey lacag dheeraad ah oo gaaraysa 130 malyan oo doollar oo lagu darayo lacagihii loo aruuriyey hawlgalka AMISOM/ATMIS 2021.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in dhaqaalaha ATMIS la siiyo uu ka yimaado komishanka Yurub, uuna gaaro komishanka Afrika, taasoo ah hay’adda lacagta loo sii mariyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Weli waxaa adag in la xaqiijiyo sheegashada dawladda Soomaaliya ay sheegayso in mushaarkii ciidanka ATMIS lagu wareejinayo milateriga Soomaaliya, laakinse waxaa jira qorsheyaal ay waddamada galbeedku ku caawiyaan dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa 2019 soo food saaray cadaadis kaga yimid beesha caalamka kaasoo la xiriiray in ay askarta mushaarkooda ku siiso xisaabaadka bankiyada, si aysan u dhicin in wax is daba marin la sameyo oo ciidanku ay waayaan lacagta ay helaan.

Waxaa kaloo isla xilligaas ay saraakiil ogaadeen kumanaan magacyo askareed ah oo aan jirin ama ciidanka mar hore ka tegey in ay weli ku jiraan liiska lacag bixinta.

Bixitaanka qaybta u horreysa ee ciidamada ATMIS ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dawladda Soomaaliya sheegtay inay isu diyaarinayso wajigii labaad ee hawlgalkii ka dhanka ahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*