17th January 2022  admin  Category :

Markii uu burburka ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa ka dhashey dhibaatooyin aan la soo koobi karrin taas oo laga dhaxlay dawalad la’aanta oo ay ugu weeyn tahay adeeg xummo dhinaca caafimaadka ah.

Dad badan ayaa waxaa dhacda in dalka waxba looga qaban waayo, dadkii qofka dhalay ama ehelka u ahaana aysan waxba gacanta ku heeyn si dibbeda qofkii loogu soo daaweeyo.

Caawinaada bulshada ayaana sabab u noqotay in qaar badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah inta lacag loo ururiyey dabadeedna dalka dibbediisa lagu soo daweeyey.

Hadaba, wiilkan yar ee aad muuqaalka hoose ku arki doontaan ayaa waxa uu la ildaranyahay arrimo caafimaad oo uu ku dhashay, kana asiibtay xubinta taranka iyo kaadi heeysta. Aabah iyo hooyada dhalay wiilka waa dadkii ay saameeyeen abaaraha, kana yimid dhinacaa iyo miyiga.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*