17th November 2025  admin  Category :

Suldaan Siciid iyo cid kale uma baahnin inta nagala joogta Warsangeli ayaa nagu filan

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, saaka waxa ka furmay shirkii ay dawladda federaalku ku doonaysay inay ku bur buriyaan Maamulka Puntland oo ay ku kula qaybinayaan bulshaddii maamulkaas wada samaystay.

Shiika saaka furmay ayaa la sheegay in maamul loogu samaynayo beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante oo Beesha Warsangeli ku biiryaan Maamulka hadda Jira ee Khaatumo ee uu hogaamiye Firdhiye.

Isimada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Warsangeli dhamaantood waa ka hor yimaadaan ku biirida ay dawladda federaalku doonayso inay Beesha Warsangeli ku daraan Maamulka Khaatumo ee hadda jira, iyaga oo ay ka tahay inay bur buriyaan Maamulka hadda Jira ee Puntland

Madaxda Federaalka ee Garowe u joogta bur burinta Maamulka Puntland, Kuma ixtiraamin rabitaanka shacabka Beesha Warsangeli, oo si cad u sheegay inaanay hadda diyaar u ahayn inay maamul cusub ku biiraan, Taas badalkeeda oo ahayd inay dhegaystaan Isimada iyo waxgaradka Beesha Warsangeli, ayaa madaxddii Khaatumo ee doonaysay in lagu biiro, iyaga oo gacan iyo dhaqaale ka helaya dawladda Federaalka waxay samaysteen Isimo iyo Siyaasiyiin ay yiraahdaan kuwii hore aayaan ku bedelaynaa

Sidoo kale kalsooni ay siyaasiyiinta Dhulbahante iyo qaar ka mid ah isimadooda ay ka haystaan dawladda Federaalka uu hogaamiye Xasan Culusoow ayaan saaka khudbadahoodii waxayna ku bilaabaeen jees jees iyo hadalo aan munaasin ahayn, oo la mid ah kuwii Faysal Cali Waraabe ee ay ka midla ahaayeen Dhulku ma guuree dadkaa guuea.

Garaad Cabdulaahi Garaad Saleebaan, oo aan u cudur daarayno, sababtoo ah dhowaan ayuu Isimada ku soo biiray, wuxuu yidhi ‘ Warsangeli Suldaan Siciid iyo afar qof ayaan ka maqan, waa ihaano mana aha hadal Tolka iyo umad wada samaysanaysa kala qabta.

Hogaamiye Firdhiye, isagu waa ka sii xag jirsanaa, khudbadiisa waxa ka muuqata faan, hanjabaad iyo haddii aad nagu soo biirteen waxaad naga filan kartaan. Waaxaan jkhudbaddiisa ka mid ahaan ” ANNAGUU ahaan dadkii ugu badnaa ee u dhintay Maamulka , ANNAGUU aha kuwii labo sano Maamulka soo hogaaminaynay iyo Warqad cad ayaan idiin dhiibaynaa. Haddii la soo Kobo waa marti ayaad noo noqon doonaan.

Ugu danbayntii sida muuqata shirkani saaka Laascanood ka furmay wuxuu ahaa shir ay gaar u leeyihiin Beesha Siciid Harti, oo ay ku balansanaayeen waxa inta badan laga hadlayey doorasho ay qabsanayaan oo maalmo yar ka harsan yihiin , shirku ma ahayn mid ay fadhiyee nIsimo Warsangeli iyo siyaasiyiintii Beeshas, waxayna u muuqatay in la doonayey sawiro loo geeyo madaxweyne Culusoow, si damaciisa siyasadeed ee doorashada iyo burburka Puntland .



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*