16th January 2022  admin  Category :

Sannadkii 1992, ayaa shacabka Puntland lagu soo qaaday weerar laga soo abaabulay magaalad Muqdisho. Dagaalkaas ayaa loo soo maray ururkii Al Itixaad, waxaana wakiil looga soo dhigay dagaalkaas Daahir Aweeys oo ka mid ah argagixisada maanta.

Shacabka Puntland ayaa dagaalkaas ay ku soo qaadeen ururkii Al Itixaad isaga celliyey si wadajir ah, iyadoona ay ka dhigeen dadkii weerarka soo qaaday kuwo dhagta dhiiga loo daray, kuwo la qabtay, iyo welliba kuwo baxsi ku gallay buuraha Goolis.

Sidoo kalle, xilligaa waxaa noollaa Jeneraal Caydiid oo mar la weeydiiyey dagaalka ka socday Puntland xillligaas ku sheegay in ay ciidankiisa ka dagaalamaayaan dhulkaas.

Hadaba, Shacabka Puntland waxaa lagula jiraa daggaal ay dabada ka riixayaan dad qaba cadawtinimo qabiil, kuwaas oo mar walba isku dayeya ineey Puntland ka soo gallaan hadba dhinac, iyagoona addeegsanaya dariiq kasta oo u saamixi kara burburinta shacabka Puntland.

Maanta, shacabka Puntland waxaa lagu soo qaaday dagaal qorsheeysan oo dabada ay ka riixayaan nimanka la baxay Nabad iyo Nolol kuwaas oo u soo diray deeggaanada Puntland shaqsiyaad ay soo tashkiiliyeen si Puntland ay gacanta ugu dhigaan, iyadoona la adeegsanayo wadaniyad been ah iyo qiiro jabaan.

Hadaba, shacabka Puntland waa ineey iska illaaliyaan shaqsiyaadka laga soo abaabulay magaalada Muqdisho kuwaas oo la doonayo in lagu burburiyo deeggaanadooda.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*