18th October 2024  admin  Category :

100 sano ka hor, Muusi Biixi awoowayashii gabadhihii  gumaystihii  reer Yurub ee diiday inay Ciidda Ber bera ku dul socdaan  ayeey Tuurta ku qaadayeen . Maantana Salaanta rukuucda ayeey saf ugu  galeen Hailemariam Desalegn

Marka Berbera Gabadha gumaysiga u timid tuurta lagu qaadayey, akhriso warqada Odayasha Laasqoray joogay qorayeen . Ninkaas baa maanta doonaya inuu aniga ii dawladeeyo

SultanandQueenAden3

Labadan Warqadood waxa qoray Garaad Cali Shire  oo aabe u ahaa Allah ha u naxariistee dhamaantoodba   Garaad Maxamuud Garaad Cali Shire, isaga oo ka hadlayey  labo arrimood oo Xiligaa taagnaa .

Arninta Kowaad ayaa waxay  ahayd in Beesha Warsangeli  xaq u leeyihiin in Dal kasta oo hoos yimaada Boqortooyada  Ingiriiska sida Hindiya in ay hub ku dhex qaataan,  sababtoo ah heshiiska labada dawladood ee Saladanada Warsangeli iyo Ingiriiska  kala saxiixdeen ayaa sidan qoraayey

Arinta labaad waxay cadaynaysaa in Ingiriiska ka hor Dekeda Berbera ay hoos iman jirtay saldanada Lasqorey. Waxaadna warqada ku arkaysaa Caaqilada degaanadaas Gobolada waqooyi galbeed oo saldanada warsangeli   Gawaari uga  gaday Yamen 100 Sano ka hor.

Saldanada Warsangeli ayaa wefti u dirtay dalka Yamen Sanadkii 1902, waxaana weftigaas hogaaminayey  Maxamuud Cabdalle Maxamuud Cali Garaad oo siday ama waday fariin ka timid saldanada o sidan sidan u qornayd “

Warqadan Waxaa laga soo diray Bandar Laasqoray Tarriikhdo markay ahayd  4 bishii Dulqicda 1) Sanadkii 1319 Hijriga (2)

Ku socotta Waaliga Cadan Salaan kal gacal  iyo saaxiibtinimo  marka hore Ilaahay ha daayee ha una miciino dunida Islaamka Aamiin

Tan labaad dhinacayga waxaa ka soo socdaalay walaalkeen Maxamuud Cabdalle Maxamuud Cali Garaad(3) ninkaa waa   inaad amaankiisa ilaalisaan oo  si wanaagsan u soo dhaweysaan siduu dhaqanku ahaan jiray, hubna ayuu wataa, waxaa noo dhaqan ah inaannu hubka ku dhex qaadannu dhulka uu Ingeriisku xukumo idinkuu ku mahadsan  oo heshiis kala saxiixanay

Ninkani  waa walaalkay wixii kalena isaga ayaa  idiin sheegi doona oo idiin faahfaahin doona  oo ku saabsan dublimaasiyadda .

Nabad ku waara

Saxiixay

78

garaadka

Tarjumaadda warqadda ku qoran afka Carabiga

Tan labaad  waxaan doonayaa  fadlan intaa  ka bacdi  in aad  doon soo saartid, waxay lacag u baahanyehiina  aad  siisid, Caaqilada ka yimid Berberana  aad gaadhi saartid nooliligana ka bixisid, annaga iyo dawladda Ingeriiska saaxiibtinimo wayn baa naga dhexaysa, siduu dhaqanku ahaan jiray ula dhaqma .

Waxaana idiin imanaysa intaa ka dib  Doon  la yiraahdo Nicmo Mistahal oo  uu naakhudi ka yahay Xaaji Axmed, laba nin oo Odayaal ah baa la socda oo annaga ah , u ugolaada inay dalka soo galaan (4), markaa labadaa oday u dir Berbera iyo gaadhigaba , Arrintuna Cadan  bay muhiim u tahay,  Xoolo badan oo xagayaga ka imanaya  ayaa dalkiina ku soo jeeda, haddii kale ganacsiga dalkiina ayey saamayneesa, oo ah canshuurta aad ka helaysaan xoolahayga ayaan  meel kale la aadaynaa.

Ilaahay baan ku xusuusinayaa inaad ula dhaqantid si wanaagsan, wixii fahfaahin ah iyagaa idiin sheegi doona, Allah ha idin garab galo.

Waad salaamntihiin

( Shaabadda markay Cadan warqaddo gaadhtay )

Xafiiska deganaashaha

Cadan

27 April 1908

 

Fahfaahin  :

1.       Suldaan Cali (Shire) Maxamed ( Cawl ) Maxamuud waa suldaankii 24aad ee Beesha  Warsangeli Suldaan Maxamuud Cali shire aabihiis, 3 Suldaanna baa ka dambayey .

2.       18 April 1908

3.       Nuur Cawl , waayo Cawl waa naanays  magiciiso waa Maxamed

4.       Magaalda Cadan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*