8th September 2024  admin  Category :

Imaaraadka iyo Qatar oo dib u furay safaaradaha kadib sanado xiisad ah

Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa Isniinta maanta ah ku dhowaaqay dib u furista safaaradaha ay ku kala leeyihiin labada dal, lix sano kadib markii uu go’ay xiriirkooda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa xiriirkooda dib usoo celiyey Janaayo 2021, kadib afar sano oo dalal dhowr ah oo Carbeed ay go’doomiyeen Qatar ayaga oo saaray xayiraad dhulka iyo cirka ah.

“Imaaraadka Carabta iyo Qatarx waxay ku dhowaaqeen soo-celinta mataaladda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Labada dhinac “waxay dib u billaabayaan howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Doha, iyo safaaradda Qatar ee Abu Dhabi iyo qunsuliyaddeeda Dubai,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaan kaas la mid ah waxaa baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid socdaal kusoo rogay Qatar 2017, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto kooxo xagjir ah, ayna aad ugu dhowdahay Iran. Doha waa ay beenisay eedeymahaas.

Dib u furista safaaradaha ayaa imaneysa xilli ay yaraaneyso cadaawaddii Khaliijka kadib markii Sacuudi Carabiya iyo Iran ay bishii March ku dhowaaqeen inay soo afjareen toddoba sano oo xiriirkoodu go’anaa.

Waxaa taas xigay in Qatar iyo dalka ay deriska yihiin ee Bahrayn ay April ku dhowaaqeen inay xiriirkooda dib u billaabayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa Sabtidii booqday Iran, isaga oo la kulmay madaxweyne Ebrahim Raisi, taasi oo ah tallaabo kale oo weyn oo loo qaaday isu soo dhowaanshaha.

Iran ayaa dib u furtay safaaraddeeda Riyadh horraantii Bishan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*