29th March 2024  admin  Category :

Imaaraadka Carabta oo tababari doona Ciidamada SNM

Imaaraadka ayaa  xoog ku ilaalin doona Ceelka Shidaalka ee Hol hol marka la qodayo iyo marka shidaalka laga soo saarayo. Ina Cali Koore ayaa beesha Dhulbahante  u saxiixaya heshiiskan sida la sheegay, Cali Khaliifna magac Amir ayuu xafladaas uga qayb gelayaa

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tababari doono Ciidamada SNM, kaasoo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

Gacan ku dhiigle  Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu Wakaalada wararka ee Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood

Imaaraadka Carabta ayaa wax jawaab ah oo cad ka bixin hadalka Muuse Biixi, hase ahaatee waxaa ay Imaaraadka Carabta ku adkeysanayaan inay boqolaal milyan oo doolar ku maalgelinayaan sanadaha soo aaddan si ay isku fidiso khad xeebeedka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

https://uk.reuters.com/article/uk-emirates-somaliland-president/uae-to-train-somaliland-forces-under-military-base-deal-somaliland-president-idUKKCN1GR2ZN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*