
24th February 2025 admin Category :
Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire
Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire iyo saraakiil kale ayaa manta howlgallo kala duwan ka sameeyeey deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada Bari iyo Sanaag kuwaas oo kala ahaa Milxo, Qow, Miciga Durduri.
Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sigar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada deegaanka Milxo balse markii ay halkaas horay u gareen cutubyo ciidan Daraawiishta iskaga baxay.
Dadka deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa Taliyaha usheegay in ay iska difaceen cadowga alshabab iyagoona u mahadceliyay ciidamada Difaaca Puntland oo markiiba halkaas horay u gaaray.Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,isla markaana Al-shabaab looga saaray Degaanadasi,waxa ayna shegeen in ay sii laba jibaari donaan Howlgalada Al-shabaab lagula Dagalamaayo Degaanada Puntland


















