7th January 2025  admin  Category :

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Saciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta Isbitaalka Magaalada Boosaaso xariga kaga jaray qeybta daryeelka deg dega ah (ICU)

Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo xarig jarka kadib hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan maanta xarig jarnay qaybta daryeelka deg dega ah (ICU) Isbitaalka magaalada Boosaaso, kaasoo ku soo kordhin doona adeeg loo baahnaa, runtii iyadoo hawl adag inoo taalo oo dhaawacyada geesiyasheena lagu dabiibayo, haddana inaan ka shaqayno horumarinta iyo tayaynta isbitaalada waaweyn ee Puntland.”

“Qaybtaan maanta aan xariga kq jarnay ee gargaarka degdeg ah waxay dhamaystiraysaq dhamaan qaybihii looga baahnaa isbitaalka, waxaa sidoo kale jiray qaybta sifaynta kilyaha, waxaan rajaynayaa inay horumarin doonto adeega horay uga jiray.”

Xarig jarka waxaa ka qaybgalay xubno ka socday golaha xukuumaddq iyo golaha wakiiladq Puntland,Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka, maamulka gobolka iyo degmadda Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*