28th March 2024  admin  Category :

Saleebaan Cali Koore oo ku ciil baxay hooyo Soomaaliyeed.

Ciise Madani, wuxuu ka mid yahay dhalinyarada Baraha Bulshada ka hadasha ee aadka ugu ololeeya Midnimada Soomaaliya ee diidan in maamulka Isaaqland ay xoog ku kaxaystaan gobolada Sanaag iyo Sool.

Dhowaan ayeey ahayd markii qaar ka mid qurba jooga beesha Isaaq oo Khadka telefoonka ku wada jira ay lahaayen waa in ninka leh Af Nugaal la soo dilaa.

Maanta hooyadiis oo d’a ah oo ku sugan Hoygii Daraawiishta ee Laascaanood ayaa gurigeeda khasab looga kaxeeyey oo inta Xabsiga la geeyey loogu hanjabay haddaad wiilkaaga Kamaradan horteeda ka canbaarayn waydo, anagana naga amaani waydo qolkaas madow ee xabsiga ku dhex yaal ayaad ku danbaynaysaa.

Waxa sidaa yeelaya Waa Horgalayaal ka soo jeeda beesha Dhulbahante oo irsaaqdu ka gashay Hooyo Dhulbahante in la dhibaateeyo . Halgamayaasha la midka ah Madani , hooyada dhashaa waxa sharafteeda karamadeeda loo ilaaliya sida ay Qof walba hooyadiis tahay. Denbiga iyo xadgudubka laga galaana dhamaanteen ayaa laga galay

Muuqaalka laga duubay Hooyada soo dhigi mayno oo aad ayaan uga xunahay, hase ahaatee jawaabta Wiilkeeda lagu khasbay inay canbaarayso ayaan idiin soo gudbinaynaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*