Taliyihii diiday inuu Sanaag booqdo

Taliyihii diiday inuu Sanaag booqdo iyo saraakiishii la socotay ayaa soo safarkii goboilka bari oo ay sanaag deris yihiin

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo soo gabagabeeyay Safarkiisi Gobolka BariTaliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Manta Magalada Bosaaso Ka Sagootiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hogaaminayay oo uu qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Dowlada Puntland Genaraal Caydiid oo mudo labo maalin ah ku sugnaa magaalada Bosaaso.

Wafdigaan ayaa saaka aroortii ka baxay magalada Bosaaso iyagooan ku sijeeday Caasimada Dowlada Puntland Ee GarooweTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed ayaa Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari uga mahadceliyay sodhoweynta qiimaha badneed ee magalada bosaaso ay ugu sameeyeen intii ay jogeen halkaan waxana si gaar ah ugu amanay amniga Bosaaso Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.

Farmaajo oo aan u hambalyeen Beden

Hogaamiyaasha Aduunka ayaa u wada hambalyeeyey Beden aan ka ahayn Farmaajo

Hogaamiyasha Caalamka ayaa u wada hambaleeyey madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden , hase ahaatee waxa liiskan ka maqan madaxweynaha Soomaaliya Mxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sida la sheegay sababta ugu weyn ee uu madaxweyne farmaajo ugu hambalyeen waayey madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa ah inuu horay uga tirsanaa xisbiga madaxweyne Trum ee Republicanka oo uu sugayo inta Trump ka qiranayo in laga guulaystay. Xildhibaanada Aqalka sare ee Maraykanka ee xisbiga republicanka oo aan ka ahayn Mitt Romney ayaa iyguna ilaa hadda u hambalyeen madaxweynaha cusub.

https://www.npr.org/sections/live-updates-2020-election-results/2020/11/07/932530415/world-leaders-congratulate-biden-on-win-and-some-celebrate-trumps-defeat

https://allsanaag.com/farmaajo-oo-ka-tirsanaa-xisbiga-republicanka/

Guusha Maguful

Waa maxay sababta madaxweyne Maguful u guulaysaty

Wiil Tanzanian Muslim ah baa cisho dhaweyd isagoo ka hadlaya “Doorashada dhawaan wadankiisa ka dhacday ayaa la weeydiiyey yaa ku guuleysan doonna?”

Wuxuu si sahlan u yiri insha allah “Madaxweyne Magufuli ayaa soo noqonaya”.

Oo maxaad sidaa u tidhi ayaa la weeydiiyey?”
Waxuu ku jawaabay sidan:

1) Madaxweyne Magufuli wuxuu hore u soo ahaa wasiir illaa 3 wasaaradood, wax walbana wuu ogaa. Maalintii uu xilka la wareegayba wuxuu xabsiga dhiggay aabihii musuq-maasaqa ee maareeyihii dekedda Dara-salaam oo uu dabagal ku hayay intuu musharaxa ahaa. Maareeyuhu wuxuu lahaa 2 qasri oo waaweyn. Wuxuu ku yidhi, mushaharkaaga oo dhami waa intaase xageed hantidan ka keentay? 2dii gurina midna caruurta ayuu u daayay, kii kalena dawladda ayaa la wareegtay, isagiina 10 sanno ayaa la xidhay.

2) Wax yar kadib, wuxuu isugu yeedhay 7da nin ee dalka ugu taajirsan oo kuligood Mulim Hindi ah. Wuxuu u keenay nin walba faylkiisa iyo intii ay cashuur la dhuunteen 10kii sanno ee u dambeeyay. Wuxuu ku yidhi, waad aragtaan waxaad na badeene, 10 cisho soo tashada oo igu soo war celiya. Maalintii tobnaad ayay keeneen $750, 000, 000 (750 malyuun oo doollar) oo ay iska soo ururiyeen. Tanzania illaa 60kii xor bay ahayd, weligayana diyaarado aanu leenahay maanu lahayn. Lacagtii buu diyaarado waawayn USA kaga soo iibiyay oo Tanzania airline ku billaabay.

3) Shiinaha oo macdan-qodista ku helay heshiis musqmaasuq ah oo ay 80% ku qaadanayaa, 20% na ay Tanzania lahaydna dhammaan wuu joojiyey, wadankana wuu ka saaray. maxkamad baanu kugu dacwaynaynaa bay meelahaa la meeraystaan.

4) Wuxuu ku yidhi madaxda reer-galbeedka, anigu nina gurigiisa ugu tegi maayee, ninkii Tanzania dani kaga xidhan tahayoow noo kaalay.

5) Wuxuu u yeedhay ninka Afrika u taajirsan Aliko Dangote oo Nayjeeriyaan ah, wuxuu ku yidhi, deked weyn Mutuwaara nooga dhis, si Malaawi iyo wadamada bilaa badda ahi badeecada ugala soo degaan, 10ka sanno ee hore adigaa leh wixii ka soo baxa, wixii intaa ka dambeeyana anagaa leh. Dekedii sidaasay ku dhisantay.

6) Buurta Kiliminjaaro ee Africa ugu dheer oo xadka Kenya ku dhaw ayay dalxiiseyaashu intay Kenya ka soo degaan dhulka soo mari jireen. Wuxuu yidhi, Kenya buurtayada-dib-noogula-dhuuqi- mayso, marka xadka Kenya dalxiise kama soo talaabi karo, fiisuhu Daarasalaam buu yaallaa qofkii Kilimanjaro raboow. Iminka anaga keliyaa Kiliminjaaro noo irmaan tahay.

7) Hooyaday iyo aabahay oo Islaamka aad ugu dhegani, maalin walba waxay u duceeyaan Magufuli oo Masiixi ah!

 Markuu booqdo magaalo, wuxuu isugu yeedhaa dhammaan madaxda gobolka, booliska iwm wuxuuna dadweynaha weydiiyaa inay masuulkan ku qanacsan iyo in kale, hadii lagu oriyo masuulkaa, isla goobtaasuu xilka kaga xayuubiyaa, ka loo sacabiyana wuu u daayaa booskiisa!

Marka walaal cidi kuma haysato odaygee wuu guulaysanayaa ayuu hadalkiisii kusoo amaamuday!

Madaxweyne Magufuli waxaa uu ku guulaystay 84%.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Axmed-Assad M. Awaare

Isku duwe is casilay

Tartankii Ciyaaha Beelaha Isaaq oo Ismaddii isku qabsadeen siday ugu qaybsan lahaayeen Beelo beelo

Isku-duwihii Cayaaraha beesha Habar Yoonis , Keyse Yuusuf, ayaa shaaciyey in uu iska casiley xilkaasi. Wuxuu sheegey in xulkooda laga mamnuucay cayaaraha beelaha Isaaq aysan samayn wax qabayaalad ah, hase ahaatee ay ku jireen laba ciyaartow oo uu ku soo daray oday caaqil-dhaqameed ah, kuwaas oo dagaallamay.

Muuqaalka hoose waa beesha Sacad Muuse ee Habar awal oo maalintaa badiyey