“Eryid ma ahan waxa aan ku sameynay Safiirka Kenya”

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ” Maxamed C/risaaq “Eryid ma ahan waxa aan ku sameynay Safiirka Kenya”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeeratey safiirkeedii Kenya shaley iyadoo sidoo kalena u dirtey safiirka Kenya wadatashi.

Dowlada federaalka ayaa ku eedeysey dowlada Kenya in ay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya iyo doorashada, ayada oo u adeegsaneysa, sida ay hadalka u dhigtay, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso inaysan wax wargelin oo rasmi ah ka helin dawladda Soomaaliya, oo ku saabsan in safiirkeeda Lucas Tumbo uu ka baxo magaalada Muqdisho.

Kenya waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka inay ka xuntahay go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya, ayna Kenya ay ixtiraamayso mabaadii’da caalamiga ah ee aaya-ka-tashiga ah, madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee waddan kasta gaar ahaan waddamada Afrika.

Falastiin Axmed Iiman ayaa haddaba wasiirka cusub ee Arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ka wareysatey xiriirka Kenya iyo dagaallada Ethiopia, ugu horeyna waxa ay weydiisey sababta ay u eryeen safiirkii Kenya, kii Soomaaliyana ugu yeerteen.

Maxaa Cusub Maanta?

Muqdisho: Musuqmaasuqa ka jira dalka Soomaaliya ayaa noqday mid ka mid ah nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed. Madaxweeynihii, wasiirkii, wasiirudawlihii, guddoomiyihii, xubnihii baarlamaanka, iyo maareeyihii marka ay wadda noqdeen hoygii musuqmaasuqa, yaa la dagaalmaya musuqmaasuqa?Sidee loo joojin karaa? Fadlan muuqaalka hoose kaga bogga.

Bacaadweeyne: Ciidanka iyo shacabka Baacaadweeyne ayaa iska celiyey argaggixiso soo weerartay deegaankaas; inta la ogyahay, waxaa lagaga dilay shayaadiintaas 30, meesha gacanta looga dhigay qaar kamid ah kuwii weerar soo qaaday.  

https://youtu.be/bFejOXVMf0c

Garoowe: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Ca/rashiid ayaa lagu eedeeyey in uu baarlamaanka la soo galay illaaladiisa, caburina uu ku sammeeyey xubnaha baarlamaanka iyo in baarlamaanka uu ka dhigtay xafiis uu isagu leeyahay. Xubnaha eeda u soo jeediyey guddoomiyaha ayaa ugu baaqay in uu iska casilo xilka maadaama uu ku fashilmay hoggaaminta xilkaas.

Maxaa looga reebay “Somaliland”

Siyaasiyiinta Isaaq marka ay timaado inay Soomaali inteeda kale ay siyaasadda wax kula qaybsadaan waxay isticmaalaan magacyada Somaliland, reer waqooyi iyo Dirta waqooyi , mararka qaarkood waa loo sadburiyaa oo waxa la siiyaa saamigii gobolada Sool iyo Sanaag ay lahaayeen . Hadaba maxaa diiday in magacyada kor ku xusan oo oo ay beesha Isaaq isticmaalaan iyaga oo wata inay Soomaalida inteeda kale kubadda kula ciyaaraan Muqdisho.

Lama waayin dhalinyaro magacaa ku ciyaaraysa sida aan loo waayin Odoyaal beeshaas ka soo jeeda oo Xildhibanadooda ku dooranaya Muqdisho. Waa siyaasad ah in madaxweyne farmaajo doonayn inuu ka caraysiiyo beesha Isaaq oo ay wada hadalo u socdaan

Isku-aadka Koobka Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ee 2020.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.Kulanka Madaxweynuhu la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid.

Soomaaliya oo ceyrisay safiirka Kenya ee Muqdisho, una yeeratay safiirkeeda

DOWLADDA SOOMAALIYA OO CAYRISAY SAFIIRKA KENYA DIBNA UGU YEERTAY SAFIIRKA SOOMAALIYA

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda FS mudane Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsigii madaxweynaha

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.