Xisbiga Johnson oo guuldarro kala kulmay doorashooyinkii Baarlamaanka

Xisbiga Conservative-ka Britain, ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Boris Johnson, ayaa guuldarro culus kala kulmay doorashadii ku celiska ahayd ee golaha sharci dejinta, oo Khamiistii ka dhacday UK, taas oo  la sheegay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyay guud ahaanba mid ka mid ah Codadka goobihii doorashada, sida lagu muujiyay natiijooyinkii la soo saaray Jimcihii.

Kuriga North Shropshire oo laga soo dooranayey xisbigiisa 200 oo sano ayaa waxa ku guulaysatay Helen Morgan oo ka tirsan Xisbiga Liberal Democrats, Waxayna xisbiga Boris Johnson kaga adkaatay 23,000 cod

Doorashooyinkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay  inta badan deegaanada England ayaa u muuqda in looga gacan sareeyo Xisbiga Conservative-ka.

Arrinkan ayaa imanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Uk, la sheegay in ay ku guul dareysteen inay soo rogaan xannibaado cusub oo lagula dagaallamayo Covid.

Turkigu muxuu ka aamminsanyahay qaaradda Afrika?

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay madax ka soctaa dalalka Afrika waxaana halkaa ka dhacaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika. Waxaana loo arkaa shirkaan mid uu Turkigu ku doonayo inuu galaan-gal wanaagsan u yeesho isla markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika. Waxyaabaha shirkaan iskaashiga xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka Turkigu la leeyahay Afrika.

Shirkaan madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo wuxuuna kulan la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Qoraal lagu daabacay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta,”.

Kulankaan ay yeesheen Farmaajo iyo Erdogan ayaa qayb ka ahaa kulan doceedyo uu madaxweynaha martida loo yahay la yeellanayo madaxda Afrika ee shirka ka qayb galaya ee ku sugan dalkiisa.

.

Golaha Wadatashiga Qaranka

a’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka .

May be an image of 1 person, sitting and indoor
Image
Image

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

Ardey ka timi Jubaland oo ka qalinjebiyay Jaamacadda PSU.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan sagootin ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyay Ardey ka timi Jubaland oo ka qalinjebiyay Jaamacadda PSU.

Xubno xaqiiqo raadin

Soomaaliya ayaa Qaramada midoobay kaga codaysay MAYA in la soo baaro xaquuqda bani aadanimo loogu tuntay dalka Itoobiya

Qaramada midoobey ayaa maanta doorasho ugu codeeyey sadex xubnood oo soo baara in xaquuqda bani aadamka loogu tuntay Ethiopia. Somaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii diiday in baaritaan la sameeyo. Sadex iyo tobonka dalka ee xubnaha ka ah UN_HRC qaarna waa ka diideen kuwana waa ka aamuseen

https://addisinsight.net/un-high-commissioner-for-human-rights-ehrc-the-council-decided-to-set-up-an-international-commission-of-inquiry/

Image
May be an image of text that says 'A/HRC/S-33/L.1 (oral rev.) ARGENTINA ARMENIA AUSTRIA BAHAMAS A BAHRAIN BANGLADESH BOLIVIA (PLURINATIONAL STATE OF) BRAZIL BULGARIA N BURKINA FASO N CAMEROON CHINA CÃTE D'IVOIRE CUBA CZECH REPUBLIC DENMARK A N ERITREA FIJI FRANCE N GABON GERMANY INDIA INDONESIA ITALY JAPAN LIBYA MALAWI MARSHALL ISLANDS MAURITANIA MEXICO N NAMIBIA A NEPAL A N NETHERLANDS N PAKISTAN N PHILIPPINES POLAND REPUBLIC OF KOREA N RUSSIAN FEDERATION SENEGAL SOMALIA SUDAN TOGO UKRAINE Y UNITED KINGDOM OF GREAT BRITAIN AND NORTHERN IRELAND URUGUAY A UZBEKISTAN VENEZUELA (BOLIVARIAN REPUBLIC OF) FAVOUR 21 AGAINST 15 ABSTAIN 11'

https://addisinsight.net/un-high-commissioner-for-human-rights-ehrc-the-council-decided-to-set-up-an-international-commission-of-inquiry/

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga, waxaana Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan uu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen isaga oo ku dhiirri galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka Dalkooda u suuq geeyaan Dalka Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Kulankan waxaa madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdi Siciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Danjiraheenna noo fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Agaasime Cabdisalaan Saleebaan Koodaar.

War saxaafadeed Maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed

War-murtiyeed kasoo baxay Dowlad-gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadlay kulamo maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Kismaayo Madaxweynayaasha labada Maamul Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Amniga iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa heshiis ku gaaray dardargelinta iyo daahfurnaan doorashooyinka, xoojinta nidaamka Federaalka iyo Iskaashiga la-dagaalanka Argagixisada.

Halkaan hoose ka Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Jubaland iyo Koonfur Galbeed. 

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada
Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen
Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta
Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-
galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla
qaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:

waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud
ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad
degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay
ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amniga:

In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab
wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada
Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha,
Xoolaha yo Kaluumeysiga.

4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta
hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah
Dowladda Federaalka & DFS.

5. Doorashooyinka:

Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo
badbaadada dalka.

DHAMMAAAD.

No photo description available.

Mashaariic Xariga laga jaray Degmada Badhan

Degmada Badhan ayaa maamulka Puntland xariga ka jareen Xafiisyo dhowr ah oo ay degmadaas ka hirgeliyeen