Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad, oo ay ka  wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah mas’uuliyiin Soomaali ah

Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah mas’uuliyiin Soomaali ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha, ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay weheliso agaasimaha waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee wasaaradda Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa maanta qaabilay wefdi ka socda Hey’adda Socdaalka iyo Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayey Mudane Maxamed Abdiker  oo ah u qaabilsanaha Hey’adda Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay istaraatijiyada cusub ee IOM, xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii  xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya wasaaradda iyo hey’adda IOM , iyada oo diirada la saarayo ka shaqeynta dhinacyada nabad-dhisidda, yaraynta faqriga iyo sidii xal waara loogu heli laha arrimaha barakacayaasha.

Dowladda Soomaaliya oo maanta guddoontay gargaar uga yimid Imaaraadka Carabta

Iyadoo ka jawaabeysa codsigii Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble u jeediyay dunida ee ah in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, ayay maanta dowladda Imaaraadka Carabtu gargaar raashin ah soo gaarsiisay Soomaaliya.

Diyaarad sidday sahaydan gargaar ee raashinka ah, waxaa dalka soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso  gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran.

Alkacbi, ayaa in shixnaddan gargaarka ah ay xigi doonaan shixnado kale maalmaha soo socda, si loogu gurmado dadka xaaladda bani’aadminimo wajahaya.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadkan oo ah kii labaad muddo labo bilood gudahood ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Culimada, Ganacsatada Iyo Bulshada Rayidka Ah Kala Hadlay Gurmadka Abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Culimada, Ganacsatada Iyo Bulshada Rayidka Ah Kala Hadlay Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay y xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.

Deni ma wuxuu u tartamayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya?

Deni ma wuxuu u tartamayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya?

Warar ayaa kasoo kordhaya damaca siyaasadeed ee heer federaal ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay aad la’isula dhexmarayay farriin lagu soo daabacay bogga xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay Deni.

Qoraalka bogga Kaah oo laga saaray hadda
Qoraalka sawirka,Qoraalka bogga Kaah oo laga saaray hadda

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa BBCda u sheegay in madaxweynaha maamulkaasi uu u sharraxan yahay xilka madaxtinimada ee Soomaaliya.

Weli si rasmi ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uma shaacin inuu u tartami doono xilka madaxweynaha Soomaaliya, hasayeeshee waxay wararku shegeayaan inuu ku guda jiro ololihii uu arrintaas uga guul gaari lahaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu u ololaynayo sidii madaxweynaha Puntland loogu dooran lahaa xilka ugu sarreeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed (Madoobe)
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed (Madoobe) oo ku kulmay Garowe

Warkan ayaa soo shaacbaxaya iyadoo maalmahan uu magaalada Garowe ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland, iyadoo la sheegay in labada madaxweyne maamul goboleed ay ka wadahadlayeen arrimaha doorashada.

Muddo dheer ayay socotay hadalhaynta ah in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ku hamiyayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayey burbureen wadahadallo la xiriiray arrimaha doorashada markaas oo labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay ka caga jiidayeen inay galaan heshiis ay ku tilmaameen in dalka uu dhibaato gelin karo.

Haddii musharraxnimada Deni si rasmi ah loo xaqiijiyo waxa uu ku biirayaa diwaanka musharrixiin ka badan darsin oo mar hore shaaciyay inay u tartamayaan xilka madaxtinnimada.

Mr Rooble oo Garowe ku wajahan

Musharraxnimada Saciid Cabdullaahi Deni ayaa imanaysa xilli la filayo in maalinta Sabtida ah uu magaalada Garowe booqan doono ra’iisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Ra'iisu wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Mr Rooble ayaa lagu wadaa inuu madaxda Garowe ku sugan kala hadlo sidii loo dardar galin lahaa arrimaha doorashada oo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay in badan oo ka mid ah isku aragti ka yihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu magaalada Dhuusamareeb wadahadallo la xiriira arrimaha doorashada uu kula lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Shalay ayay aheyd markii guddiga doorashada Galmudug uu ku dhawaaqay in 5 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay doorashadoodu ka dhici doonto deegaannadaas.

Doorashada Golaha Shacabka oo aanay fari ka qodnayn

Warkan ayaa soo baxaya xilli ay jiraan caqabado ku horgudban doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Xubno sarsare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee Soomaaliya oo BBCda todobaadkan u warramay ayaa sheegay in dhinacooda ay wax walba diyaariyeen oo xitaa sanaadiiqdii codbixinta ay geeyeen magaalooyinka loo asteeyay inay doorashadaasi ka dhacdo.

Guddigu waxa uu sheegay in maamulka goboleedyada ay dhinacooda la taal arrinta oo loo xayiran yahay, mar allaale iyo markii ay wax ka dhiman soo dhammaystiraanna ay iyagu diyaar yihiin oo ay qabanayaan doorashadaasi.

Cabashada Midowga Musharraxiinta

Golaha Midowga Musharraxiinta ee madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay aqbali doonin doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo midowgu sheegay in uusan aqbali doonin doorasho la boobo ama lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.

Midowga Musharraxiinta

Doorashada Golaha Shacabka ma la dhameyn karaa kahor 25-ka Febraayo?

Doorashada Golaha Shacabka ma la dhameyn karaa kahor 25-ka Febraayo?

Soomaaliya waxaa heer gabagaba ah maraya doorashadii lagu qabanayay caasimadaha dowlad goboleedyada dalka ayada oo illaa hadda la doortay xildhibaano ka badan 100.

Waxana socda diyaar garowga sidii doorashada xubnaha dhiman ay uga dhici laheyd deegaan doorashooyinka labaad ee ka baxsan caasimadaha ee horey loogu heshiiyey.

Si kastaba, waxaa su’aal ay weli ka taagan tahay in doorashadu waqtiga yar ee ka harsan waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ku beegan 25-ka bishan ay ku soo dhamaan karto.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Muqisho kasoo diray wariyaha VOA-da Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste.