Danjire Affey: Kibaki wuxuu ahaa madaxweyne Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd

Danjire Affey: Kibaki wuxuu ahaa madaxweyne Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd

Safiirkii hore ee Kenya u fahiyay Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi inuu ahaa nin Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd.

Waxa uu sheeegay in shirkii Kenya uu muddo laba sanado iyo bar ah Kibaki wakhti ku bixiyay sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad shaqeysa.

Kibaki ayaa bishii June ee 2006 Danjire Affey u magacaabay safiirka Kenya ee Soomaaliya. Wariyaha VOA ee Washington Falastin Axmed Iman ayuu uga warraamay doorkii Kibaki ee Soomaaliya.

Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay goobta la wareegeen oo aysan jirin qasaare intaa ka badan, haatana ay goobtu tahay mid caadi ah oo ay degantahay xaaladda, Nabadgelyada ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. DHAMMAAD

Wasiirka Waxbarashada oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto Ceelwaaq

Wasiirka Waxbarashada oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto Ceelwaaq

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto degmada Ceelwaaq, wuxuuna kusoo baxay kursiga Hop119, kadib markii musharraxii la tarmayay oo ahaa Cabdicasiis Cabdullahi Ibraahim uu u tanaasulay.

Doorashadan oo laga soo wareejiyay degmada Garbahaarey ayaa waxaa natiijadeeda ku dhawaaqay guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlada goboleed ee Jubaland.

15 kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka dhacdo Ceelwaaq, iyada oo dhinaca kale maamulka Garbahaarey ay ka horyimaadeen in laga wareejiyo doorashada.

Guddiga doorashada Heer Federaal ee FEIT oo saaka gaaray maaalada Ceelwaaq ayaa toddbaadkii hore ku dhawaaqay in sababo amni dartood aysan Garbahaarey u noqon karin goob ay doorasho ka dhici karto, iyada dhinca kale maamul Jubaland uu soo dhaweeyeen deegaan doorashada Ceelwaaq.

Magdhow ayaa loo siiyey $450,000.

Nin ka soo jeeda gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka ayaa maxkamaddi magdhow u siisay $450,000.

Nin ka soo jeeda gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka ayaa maxkamaddi magdhow u siisay $450,000, Ninkan oo u shaqaynayey Shirkad la yiraahdo Gravity Diagnostics, ayaa madaxda shirkaddu waxay u sheegeen inay u qabanayaan xafladda dhalashadiisa. Markii ay arintan xafladdisa ah u sheegeen u sheegeen, ayuu isaguna u sheegay inaanu doonayn in loo dhigo xafladda dhalashadiisa sababtoo ah waxaan qabaa qabaa xanunka anxiety disorder, oo marka farxaddu iga badato waa xanuunsadaa.Qofkii uu arintan u sheegay waa ilaaway oo siddii ayaa xafladdii loogu sameyey.

Siddii uu sheegayey ayeey noqotay xanuunkii ayaa ku dhacay waa cararay oo gaarigiisa ayuu aaday si u soo neefsado. Subaxdii danbe ayaa xafiiska loogu yeedhay oo lagu yidhi ” ma ogtahay inaad shaqaalihii kale aad shalay baashaalka goonayey inaad kaga ciyaartay baashaalkii . Mar danbe ayu sidii u xanuun saday, aakhirkiina shaqada ayaa laga eryey .Hadda ayaa maxkamaddi u xukuntay in dhibanahan magdhow gaaraysa $450,000

ANIGA AYAA MADAXWEYNE AH

Deg Deg Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo War Soo saaray.

BAYAAMIN IYO WARGAL

IN.Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.Wabillaahi Towfiiq.=DHAMMAAD=

Laaluush Mise Aqoon Darri

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Federaalka Ibraahin Iidle ayaa ku fashilmay in uu si caddaalad ah u qaado dacwadda Fahad Yaasiin “Cid awood u leh oo oran karta arrimaha noocaa iyo naacaa ah maxkamad lalama tegi karo, awooddaa cid leh miyeey jirtaa? Waxaan aaminsanahay qof awooddaa leh madaxweeyne ha noqdo, xildhibaan ha noqdo, madaxweeyne dawlad goboleed ha noqdo cid awood u leh ineey xaddido dacwadaha maxkamadaha lala tegi karo xaqiiqatan ma jirto.”

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda wuxuu kaloo yiri “Marka ay billoowdaan doorashooyinka go’aan kastoo ay soo saaraan guddiyadu waxaa weeye waa go’aano maamul, go’aan kasta oo maamulna, waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka, maxkamadda sare ee dalkuna waxeey diyaar u tahay, ineey ka gar naqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’aan ay gaareeyn guddiyadda heerarkooda kala duwan.”

Hadaba, go’aankii laga sugayey maxkamadda sare waxa uu noqday mid ah “Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Hadaba, waxaa is weeydiin leh waxa iska beddelay hadalkii uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ahaa in maxkamadda lala iman karo cabasho kasta oo ka dhalata doorashada dalka. Maanta guddoomiyaha wuxuu na barayaa in maxkamadda sare ee dalka aysan awood u laheyn ka garnaqidda cabbashooyinka ka dhasha doorashada.

Maxkamaddu waxeey waqtigii ka lumisay dadka oo dhan ha noqdeen dadkii dacwadda soo gudbistay, qareemadii labbada dhinac ka kala socday, warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka warsugayey sida ay maxkamadda dacawadda hortaal ay u qaadeeyso. Hadaba wixii oo dhan waxeey noqdeen, “Hal bacaad lagu lisay iyo Prank”

Si kastaba ha ahaato, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim iidle iyo kuwa ka dhinac shaqeeynaya ayaa arrintooda ay tahay labba mid uun, waa midda kowaad ineey yihiin dad aan aqoon u laheeyn shaqada ay dalka u hayaan iyo in ay laaluush qaateen.