Generaal Fu’aad Xanaano “Waan fiicnahay insha Allaah Geesiyaashii Aan ka imi Guulaysta waana Guulaysaneynaa Puntland Guul”.

Generaal Fu’aad Xanaano “Waan fiicnahay insha Allaah Geesiyaashii Aan ka imi Guulaysta waana Guulaysaneynaa Puntland Guul”.
𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐌𝐈𝐃A 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐎𝐎 𝐀𝐘 𝐖𝐄𝐇𝐋𝐈𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐅𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍 𝐇𝐄𝐄𝐑 𝐂𝐀𝐀𝐋𝐀𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐊𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄𝐑𝐀𝐘 𝐓𝐀𝐋𝐈𝐒𝐘𝐀𝐃𝐈 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐐𝐀𝐁𝐒𝐀𝐃𝐀𝐘 𝐊𝐎𝐎𝐗𝐃𝐀 𝐀𝐑𝐆𝐈𝐆𝐈X𝐈𝐒𝐀𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐂𝐈𝐒𝐇 𝐄𝐄 𝐁𝐔𝐔𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐀𝐋𝐌𝐈𝐒𝐊𝐀𝐃.
Waa qalad & ceeb ku dhaceysa DF iney ka aamuso guulaha Puntland ee ka dhanka ah Arga*sada | Sheekadii Tiktok ee Hawiye & Daarood ayaa lala yimid siyaasadii|
Waa kuma “ninka ajnabiga ah ee Daacish ka tirsanaa” ee ay ciidamada Puntland sheegeen inay dileen?
Ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa manta sheegay in ay toogteen nin ay sheegeen inuu ajnabi ahaa kaas oo miinada nooca la hago ku aasaayay bartamaha magaalada Boosaaso ee caasimadda gobolka Bari.
Hay’addaha amaanka ee gobolka bari ayaana xusay in ay falkaan ka hortageen. ”Nin ku talo galay in uu wax yeelleeyo dadka reer Puntland oo ajnabi ah isaga oo rabay in uu isugu daro qarax iyo hubka uu ku dagaalo ee uu watay ayay ciidamadu toogteen, qaraxii uu wadayna uu fashilmay,” ayuu yidhi taliyaha booliiska qaybta Bari ee ciidamada Puntland gGaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. Isaga oo saxaafadda kula hadlay siduu sheegay taliyuhu isla gurigii uu degganaa ninkan la toogtay waxayna soo bandhigeen alaabaha laga sameeyo walxaha qarxa.
Tan iyo bilowgii bishaan Jannaayo ciidamada Puntland ayaa waday howlgal ka dhan ah ururka Daacish ee ka dagaallamaya qeybo ka mid ah deegaannada maamulka, ciidamada Puntland ayaana kula diriraya ururka Daacish buuraha silsiladda ah ee Calmiskaad.
Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed oo ah afhayeenka howlgalka la dagaallanka Daacish ee Puntland ka socda ayaa horey u sheegay in Daacishta ay la dagaalamayaan ay u badan yihiin ajaanib. “Cadow caama oo caalamiya ayaa nagu soo duulay, kuwaasoo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, ujeedadayaduna waa inaan dalka ka xorayno” ayuu yidhi isagoo la hadlay BBC-da.
”Dhammaan dadkaani waxay ku yimaadaan qaxooti ama waxay ku yimaadaan ganacsi, company-yada [shirkadaha] ay u shaqeeyaan dadka ajaaniibta ah, iyo dhamaan dadka ajinabiga ah ee jooga Puntland gaar ahaan Boosaaso, Insha Allaah; waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo adag.” Ayuu yidhi taliyaha ciidamada oo digniin u diraayay dadka ajnabiga ah ee Puntland ku sugan.
Puntland ayaa xoogga saartay fulinta howlgallo balaadhan oo ka socda gobolka Bari, waxaa heegan la geliyay ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan weerarrada iyo qaraxyda uga imaan kara Daacish iyo al-Shabaab, sida uu maamulku sheegay.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku bogaadisay Puntland guulaha ay sheegtay inay ka gaartay la dagaallanka Daacish, oo sida maamulku sheegay soo xoogeystay kadib muddooyinkii dambe.
Dhacdadaan ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa xidhiidh la leh howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad siduu sheegay Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. ”Waa isku xiriirsanyahiin waa isku mid, sababtoo ah waa isku koox isku feker bay aaminsan yihiin isku sina way u dagaallamayaan, kuwa buurta ka dagaalamaya kuwoodii magaalada u joogay weeye,” ayuu yidhi.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in uu ninkaan kasoo jeedo dalka Yemen, waxuu kaloo xusay aroornimadii hore ee maanta in aysan xaqiijin wadanka uu kasoo jeedo balse keliya uu ahaa nin caddaan ah. ‘Ninkaan waa ajnabi waana Yemani, saaka subaxnimadii hore maana xaqiijin in uu caddaan yahay unbaan garanaynay, laakiin hadda waan xaqiijinnay raggii la socdayna waan qabannay – kuwo dhaawac ah oo kalena waan soo qabannay”.
Ragga kale ee lasoo qabtay iyo ninkaan la dilay ayuu taliyuhu ku sheegay in ay ahaayeen Yemeniyiin wadanka u jooga qaxooti ahaan, mar aan wax ka weydiinnay tirada kuwa ay qabteen waxuu sheegay taliyaha in ayna hadda rabin in ay soo bandhigaan tiradaas oo wali howlgalku socdo.
“Ninkaan muddo ayuu joogay, waxuu isu ekaysiin jiray isaga iyo asxaabtiisuba waxybaaha la wareejiyo oo dadka danyarta ahi ay ka shaqeeyaan. Si ay dadku ugu gartaan in uu shaqooyinka hoose ka shaqeeyo,” ayuu intaas ku daray.
Taliyaha oo digniin u diraya ha’yaddaha iyo dadkaba wuxuu sheegay in aan la iska keeni karin ajaanib shaqaale ah iyada oo aan la marsiin baadhis caalami ah oo ku aaddan qofka meesha uu kasoo jeedo iyo waxa ay shaqadiisu tahay. “Qofka ay keensanayaan hoos ahaan ugama warhayaan ee keliya waxaa u muuqata shaqadooda. Sidaas daraaddeed, cid dambe oo la iska keeni karaa oo ayna hay’adaha ammaanku xaqiijin oo aan si caalami ah loo baadhin ma jireyso”.
In muddo ahba, Puntland ayaa isu diyaarinaysay dagaal ay la gasho kooxdan iyada oo dhawaan ay ahayd markii ay ku dhawaaqeen hawlgalka dagaalkan.
Dagaalkan ayaana loo arkaa mid muujinaya heerka ay gaadhsiisan tahay fiditaanka kooxda ISIS ee Soomaaliya, si gaar ah deegaannada Puntland.
Falanqeeye Axmed Cabdullaahi Kaboole oo amniga ka faallooda ayaa ku doodaya in ajnabiga laga soo sheegayo dagaalkaas ay muujinayaan in dagaalkani caalami yahay.
“Dagaalka ka socda buuralayda calmiskaad waxa u tusaale u yahay halista sii kordhaysa ee ISIS ee Soomaaliya, waxaadna mooddaa in kooxdan ay helayaan dagaalyahanno ajnabi ah marba marka ka danbaysa, kuwaas oo ka kala yimid bariga dhexe, bariga afrika iyo waqooyi afrikaba. Buurahanina waxa ay ay yihiin Meesha ay ugu xooggan yihiin,” ayuu yiri.
Falanqeeyeyaasha ayaana ku doodaya in deegaanka lagula dagaallamayo kooxdaas uu yahay mid adag oo aan si fudud lagaga guulaysan karin.
“Dhulka buuralaydu waxa ay ka dhigan tahay in ay difaac dabiici ah ay heli karaan taas oo ciidanka Puntland ku adkaynaysa in ay si fudud uga adkaadaan.” Ayuu qabaa falanqeeye Kaboole.
Toga-jeceel oo ah Dhul iskugu jira Buuro,Togag,Dooxooyin iyo Dhul hawd ah oo Geedo badan oo ay ku yaalaan Saldhigyada argagixisada ee Shebaab,Turmasaale iyo Dasaan,ayaa argagixisada laga sifeeyay 60%,waxaana weli harsan in la sifeeyo 60-km.
Ciidanka hawlgalkan Toga-jeceel ku jira,waa Sadex Guuto oo loo dhamaystiray Adeegii ay ubaahnaayeen oo ay ku jiraan Diyaarado dhaawaca qaada iyo Qalabka Dronska looga hortago.
Khatarta ugu weyn ee Ciidanku ka taxadarayo waa Miinada oo ay si tirabeel ah ugu aaseen Dhulka.
Guulaha?
1.Waxaa la dilay 13-Argagixiso ah.
2.Waxaa argagixisada laga nadiifiyay Dhul dhan 70-Km oo isku wareeg ah.
3.Waxaa laga furtay 7-Talis oo ku jiro Taliskii weynaa ee Turmasaale.
4.Waxaa la Qarxiyay 4-Miino oo ay Dhulka ku Aaseen.
5.Waxaa lasoo riday oo la burburiyay 12-Drons.
Khasaaraha Ciidanka soo gaaray?
B.Waxaa dhaawacmay 13-Askari,iyadoo 10-ka mid ah ay fudud yihiin.
T.Waxaa Shahiiday 6-Askari.
J.Waxaa ka burburay 2-Gaari.
Ciidanka hawlgalkan Toga-jeceel ku jira,waa Sadex Guuto.
Deegaamada Toga-jeceel ee qaybna la sifeeyay,qaybna harsan tahay…….
1.Dasaan.
2.Dhaadaar.
3.Xankookib.
4.Garaar.
5.Kayaxa.
6.Sheebaab.
7.Gaatir-Oodan.
8.Daramadow.
9.Dandamale .
10.Qurac .
11.Talal .
12. Duudado.
13.Markadaan.
14.Haraaryo-1.
15.Haraaryo-2.
16.Dhariin.
17.Tuulo Naxar.
18.Afcad.
19.Tuurmasaale.
20.Xijiijle.
21.Canjeel.
22.Xarago.
23. Laba-garday.
.
Ciidanka Difaaca Puntland Todobaadka soo socda,waa ka faraxalanayaan Toga-jeceel iyo Deegaamada ku teedsan,sida muuqata.
Kornayl Bashir Cisman Waraaba Dheere Taliyaha Ururka 43aad ee Ciidanka Darawiishta Puntland fadhigoodu yahay Gobolka Cayn oo u ruqaansaday Hawlgalka Hillaac ee Cidhibtirka Kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad.
“Shirkaddaha Isgaarsiintu kaar uma furi karaan Ajaaniib aan haysan Aqoonsi,”
Mar haddii Dawladdii Soomaaliya ay hal Beeli isku koobtay , muxuu noqonayaa xalku?
Khaalid, oo ah ninka ku magcaaban taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, ayaa isaga oo khudbad u jeedinaya maleeshiyaadka Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu ku sheegay khdbaddiisa dhego hadal, kala soocid degaanada Soomaalida ee ay argagixisadu ku sugan yihiin.
Taliyahana ayaa isaga oo ay faan ka tahay wuxuu sheegan in degaankii ugu horeeyey ee Soomaaliya kula dagaalanto argagixisada inuu uu ahaa gobolada Hiiraan iyo Galguduud
Mooryaankan, taliyaha noqday wuxuu inkiray in 15 sano degaanada buurha Calmadow lagula dagaalamayey alshabaab oo kumaakun Soomaali ah ay ku geeriyoodeen dagaaladaas socday 15 sano.
Taliyahani intii uu khudbadeenayey marna ma soo hadal qaadin dagaalka lagula dagaalamyo daacishta ee ka socda Buuraha Cal Miskaad.
Ugu danbayn, Taliyuhu wuxuu u balan qaaday Maleeshiyaadka beelaha Hawiye ee ku sugan Hiiraan iyo Galguduud inay rashin, shidaal, saad iyo Rasaas ka heli doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya,halka dhalinyarada reer Puntland ee ka dagaalamaya Buuraha Cal miskaad laga cuna qabateeyey dhaqaalihii uu caalamku ku bixin jiray la dagaalanka argagixisada oo ay dhiig bax u dhimanayaan