Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubaland Gen. Ismaaciil Saxardiid ayaa Iskoolka Tababarka Ciidanka ee Luglaw Tababar so ugu Soo Xidhay Urur kamid ah Guutada Abris Ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland oo Mudo tababar halkaas ku qaadanayay.
Ciidankan ayaa qeyb kanoqon doona Halyeeyada Furimaha hore Cadawga kula dagaalamaya Isla markaana dhiigoda u huraya in shacabka reer Jubaland ay si nabad ah ku seexdaan.
Soomaaliya 1991 iyo Syria 2024 maxay ku kala duwan yihin?
Siyaasiyiintii Soomaliyeed ee ka tirsanaa dawladd Siyaad Bare eei dhacday 1991, khudbaddii ugu horaysay ee ay u jeediyaan umadda Soomaaliyeed waxay ahayd in Hubkii Qaranka Soomaaliyeed gacanta loo geĺiyo Jabhado beeleèd ay reeruhu gaarkau lahayeen halka madaxdii jabhaduhunz ay ku yiraahden Maleeshiyadkoda waxaad aragtaan bililiqaysta oo dila ciddii aan ka soo jeedin beelahooda.
Madaxda Syriya ee 2024 “Waxaan joogaa gurigayga, Suuriyana kamabixin. Waxaan ugu baaqayaa jabhadaha cusub ee Dimishiq soogalaya in ay ilaaliyaan hantida guud iyo iyo xogta dowladda si loo dhowro joogtaynta shaqada dowladda”.
Waxaa sidaasi yiri Ra’iisul Wasaaraha Suuriya ee xukumadiisa lariday
Celebrations are underway in Manchester after rebel forces claim they have captured the capital Damascus and ousted Syrian President Bashar al Assad's regime.
Shacabka Suuriya oo ku damaashaadaya Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada Dimishiq
Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada ayaa ah halka ay dadku ku damaashaadayaan – waxaa jira rasaas joogta ah oo ay jabhaddu hawada u ridayaan.Dad rayid ah ayaa ku wareegaya fagaaraha, iyagoo isa siinaya calaamadda nabadda, dhahayana intee in le’eg ayay noloshu sidaas sii ahaan doontaa, qaar waa ay qoslayaan, qaarna waa ay ooyayayaan.Waxaan sidoo kale la hadalnay laba nin oo dhallinyaro ah kugnaa meel ka baxsan safaaradda Iran. Waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin isbadalak, nolosha Bashaar Al-Asad-na ay ahayd mid aad u adag oo aysan dareemin wax bad-qab ah.La wadaag, Shacabka Suuriya oo ku damaashaadaya Fagaaraha Umayyad ee bartamaha magaalada Dimishq
Waa kuma ninka hoggaaminaya kooxda Taxriir al-Sham ee udub-dhexaadka u ahayd dagaalka meesha looga saaray Bashar Al-AsadXigashada Sawirka,HAYAT TAHRIR AL-SHAMQoraalka sawirka,Abu Mohammed al-JulaniWarbixinadu waxay ku kala duwan yihiin magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.
Haweeneey loo haysto wax is daba marintii ugu weyneyd adduunka
Haweeneyda hantiilaha ah ee dalka Vietnam Truong My Lan ayaa ku guul-darreysatay inay racfaan ka qaadato xukun dil ah oo lagu riday sababo la xiriira inay ku kacday wax is daba marintii ugu weyneyd adduunka ee bankiyada.
Haweeneydan 68 jirka ah ayaa haatan wajaheysa caqabad sababtoo ah sharciga Vietnam wuxuu dhigayaa in haddii ay soo celin karto oo ay gudi karto 75% wixii ay qaadatay, xukunkeeda loogu beddeli karo xabsi daa’in.
Bishii April maxkamadda ayaa ku heshay Truong My Lan inay si qarsoodi ah u maamuleysay bankiga Saigon Commercial Bank, oo ah bankiga shanaad ee ugu weyn dalkaas ee deymaha bixiya, isla markaana ay ka qaadaneysay deymo iyo lacag caddaan ah muddo 10 sano ka badan iyadoo u mareysay barta internet-ka oo ay shirkado ku mideysan yihiin, lacagahaasoo marka la isku wada daro noqoneya $44 bilyan oo doolar.
Lacagtaas ayay dacwad-oogayaashu ku sheegeen in $27 bilyan oo ka mid ah si aan habbooneyn loo maamulay, iyadoo $12 bilyan oo ka mid ahna la musuqmaasuqay, waana dembigii dhaqaale ee ugu darnaa abid kaasoo ay ku muteysatay in dil lagu xukumo.
Wuxuu ahaa xukun dhif ah oo dadka la yaab ku noqday, sababtoo ah waxay ka mid tahay haween ay tiradoodu aad u yar tahay oo Vietnam ku nool kuwaasoo lagu xukumo dil.
Maxkamadda ayaa maanta sheegtay inaysan jirin wax lagu saleeyo si haweeneydan looga qafiifiyo xukunka dilka. Si kastaba, weli way ka baxsan kartaa xukunka haddii ay soo celiso $9bn. Ma ahan racfaankii ugu dambeeyay ee ay qaadato, welina way qaadan kartaa mid kale.
Maxay ka tiri?
Markii ay socotay maxkamadeynteeda Truong My Lan mararka qaar waxay ahayd qof is difaaceysa, balse dhegeysigii dacwaddeeda ee ugu dambeeyay xoogaa dabacsanaan ayay muujineysay.
Waxay sheegtay inay aad ugu ceebowday inay dalka usoo jiiddo ceeb sida ay sheegtay, isla markaana waxa keliya ee ay ka fekereyso ay tahay sidii ay u gudi lahayd wixii ay qaadatay.
Waxaa kaloo xusid mudan in dhammaanba 85-tii qareen ee difaacayay haweeneydan iyagana xukun lagu riday. Afar ka mid ah ayaa xabsi daa’in lagu xukumay halka inta kale oo ay ku jiraan seyga Truong My Lan iyo gabar ay eeddo u tahay lagu xukumay xabsi muddadiisu u dhaxeyso 20 ilaa saddex sano.
Maxaa laga ogyahay taariikhda haweeneydan?
Haweeneydan waxay ku dhalatay magaalada Ho Chi Minh oo Vietnam ka tirsan, waxayna ganacsiga ka billowday dukaan yar oo ay hooyadeed la iibin jirtay waxyaabaha ay haweenku isku qurxiyaan. Waxay kadib billowday iibsashada dhulka iyo hantida kale ee guryaha kadib markii xisbiga hantiwadaagga uu dib u habeyn dhaqaale sameeyay sanadkii 1986. Sanadihii 1990-meeyadii, waxay ahayd milkiilaha hoteello badan iyo maqaayado.
Markii bishii April xukunka lagu riday, waxay ahayd guddoomiyaha shirkad weyn oo guryaha iibisa oo lagu magacaabo Van Thinh Phat.
Qareennadeeda ayaa haatan sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga shaqeyneyso sidii ay u heli lahayd sagaalka bilyan ee doollar ee loo baahan yahay. Balse in la lacageeyo dhammaanba hantideeda oo guryaha iyo hoteellada ka mid yihiin ayaa caqabad ka taagan tahay oo lacagta ayaan ku filneyn.
Sidee xukunka dilka ee dalkaas loo fuliyaa?
Vietnam xukunka dilka wuxuu u yahay sir qaran, waxaana la aaminsan yahay in habka ay adeegsato uu yahay cirbadda dadka lagu mudo ee lagu dilo. Dowladdu ma shaaciso tirade dadka ku xukuman dil, inkastoo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay sheegeen in in ka badan 1,000 qof ay haatan sugayaan il xukunka lagu fuliyo, isla markaana ay Vietnam ka mid tahay dalalka adduunka ee fuliya xukunnada dilka ee ugu badan.
Caadi ahaan in xukunka la fuliyo aad ayay u daahdaa, aalaaba dhowr sano ayay qaadataa, inkastoo maxaabiista la siiyo ogeysiis aad u gaaban kahor inta aan xukunka lagu fulin.
Haddii marka Truong My Lan ay soo guddo $9bn kahor inta aan xukunka lagu fulin, waxaa laga yaabaa in nafteeda ay u badbaaddo.
Waa kuma Abu Maxamed al-Julani, hoggaamiyaha kooxda Taxriir al-Sham
Iyadoo xoogagga mucaaradka Suuriya ay gaareen magaalada Xalab ee xarunta gobolka ay isku magaca yihiin, ayaa kooxaha mucaaradka waxa ay daabaceen muuqaalo nin gar leh oo gashan tuutaha milateriga kaas oo hagaya weerarka. Ninkani ayaa lagu magacaabaa Abu Mohammed al-Julani, oo ah hogaamiyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham
Iyadoo ciidamadiisu ay xoog ku galeen Xalab, Al-Jolani waxa uu mar kale noqday ubucda doodaha iyo muranka ka taagan gudaha iyo dibadda Suuriya, gaar ahaan tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha koox ay dalalka Reer galbeedka iyo kuwa Islaamka iyo Qaramada Midoobay ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso .
Isagoo madax ka ah kooxda Jihaadiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham, Abu Maxamed al-Jolani wuxuu hoggaamiyaa jabhadda ugu weyn Waqooyi-Galbeed ee Suuriya, isagoo maamula deegaanno ballaaran oo ka tirsan gobolka Idlib iyo qaybo ka mid ah gobollada la deriska ah ee Xalab, Ladiiqiya iyo Hama.
Deegaankan waxa ku nool ilaa saddex milyan oo qof oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu weyn ee mucaaradka.
Ninkan ayaa weerarkii ugu dambeeyay ee lama filaanka ahaa ee billowday Arbacadii ina dhaaftay wuxuu ahaa weerarkii ugu yaabka badnaa ee ilaa hadda soo mara xirfaddiisa isagoo ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa dagaalka sokeeye ee Suuriya, laakiin sidoo kale wuxuu ahaa qof ay arrima badani ay ku gaddaaman yihiin .
Waa kuma Abu Maxammad al-Julani
In kasta oo warbixinnada saxaafaddu ay ka hadleen nooc aad u adag oo ka mid ah waxyaabaha ay fulinayso Hayat Tahrir al-Sham, kooxda Salafiyada oo ah koox aad u xoog badan oo ku cadaadisa kuwa kasoo horjeeda.
Waxaa jira soo baxayay oo aad u baahsan oo lagu eedeeyay HTS inay jirdil u geystaan maxaabiista. Al-Jolani ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo ugu baaqay hay’adaha xuquuqul insaanka inay booqdaan xabsiyada ayna soo kormeeraan xaaladaha ay ku sugan yihiin.
Sanadihii la soo dhaafay, warbixino dhowr ah ayaa soo baxayay oo ku saabsan geerida al-Julani, laakiin dhammaan waxaa la xaqiijiyay inay been yihiin.
Iyadoo ay jiraan dadaalladaas, dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay inuu yahay Argagixiso, iyadoo abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar ku bixinaysa xog kasta oo horseedaysa in la soo qabto, iyadoo la tixraacayo xiriirkii hore ee uu la lahaa Alqaacidda.
Soomaaliya wixii ka dhexeeyey iyo dowlad dhiskii waxay u muuqataa in shuruucdii la laalayo, xoogii iyo Ciidamadii Soomaaliyeed ee la sameeyeyna in Maamulo degen lagu weerarayo.
Soomaaliya wixii ka dhexeeyey iyo dowlad dhiskii waxay u muuqataa in shuruucdii la laalayo, xoogii iyo Ciidamadii Soomaaliyeed ee la sameeyeyna in Maamulo degen lagu weerarayo. pic.twitter.com/qzAVlYrr6N
Mid kamid ah Ilaalada Gudoomiyhii Hore Ee Degmada Badhaadhe oo la soo xariiray Warbaahinta JubalandTV ayaa Sheegay in uu kamid yahay Ciidamadii uu iibsaday Gudoomiyihii Degmada isla markaana ay hada Xabsi guri ku yihiin Mogadisho.
Mid kamid ah Ilaalada Gudoomiyhii Hore Ee Degmada Badhaadhe oo la soo xariiray Warbaahinta JubalandTV ayaa Sheegay in uu kamid yahay Ciidamadii uu iibsaday Gudoomiyihii Degmada isla markaana ay hada Xabsi guri ku yihiin Mogadisho.