Ciidanka Puntland oo qabsaday Qurac iyo Damdamle

Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa maanta ka qabsaday argagixisada Daacish deegaanada Qurac iyo Damdamle ee dhaca Togga Jeceel ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

44 kamid ah argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaal cir iyo dhul ah oo ay qaadeen ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, oo gacan ka helaya saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta oo duqeeyay aag ay isku aruursadeen argagixisada Daacish, iyadoo duqeyntaas lagu dilay 29 kamid ah maleeshiyaadka, halka 15 kalena lagu dilay dagaal toos ah oo ay la galeen geesiyaasha ciidamada Difaaca Puntland.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen Talisyo muhiim u ahaa argagixisada, iyagoo hadda kusii siqaya aagag cusub.

Axmed Madoobe oo DFS ku eedeeyey xayiraad dhaqaale

Axmed Madoobe oo DFS ku eedeeyey xayiraad dhaqaale

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay siyaadaysay dhammaan wixii barnaamijyo horumarineed, dhaqaale, iyo kaalmooyin ah ee Jubbaland xaqa u lahayd, kuwaasoo ay bixiyaan dalalka deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah.

Wuxuu hay’adaha caalamiga ah ku wargeliyay inay Jubbaland si toos ah ula macaamilaan, oo aanay waxba usoo marsiin dowladda federaalka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Jubbaland ay bixinayso shatiyo kalluumaysi.

Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay hoggaanka Jubbaland inuu sabab u yahay khilaafka sii xoogeysanaya, maadaama uu ka baxay wixii ballamo iyo heshiisyo ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen.

Cawsane ilaa Hadaaftimo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dhismaha waddada isku xireysa Cawsane iyo Hadaaftimo, oo qayb ka ah mashruuca ballaaran ee waddada Ceel Daahir – Ceerigaabo.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa ka qeyb galay xubno sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, iyo wasiiro kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay madasha ayaa yiri: “Dhismaha waddadan waxa uu muhiim u yahay isku xirka gobollada, fududeynta gaadiidka iyo kobcinta dhaqaalaha. Dawladda Puntland waxa ay ka go’an tahay dhamaystirka mashruucan si bulshada uga faa’iidaysato, una sahlanaato isku socodka iyo horumarka nololeed.”

Dhismaha wajiga labaad ee wadada Cawsane – Hadaaftimo ayaa qeyb ka ah dadaallada dawladda Puntland ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isku socodka, ganacsiga, iyo nolol-wanaagga bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dhismaha waddada isku xireysaC, oo qayb ka ah mashruuca ballaaran ee waddada Ceel Daahir – Ceerigaabo.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa ka qeyb galay xubno sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, iyo wasiiro kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay madasha ayaa yiri: “Dhismaha waddadan waxa uu muhiim u yahay isku xirka gobollada, fududeynta gaadiidka iyo kobcinta dhaqaalaha. Dawladda Puntland waxa ay ka go’an tahay dhamaystirka mashruucan si bulshada uga faa’iidaysato, una sahlanaato isku socodka iyo horumarka nololeed.”

Dhismaha wajiga labaad ee wadada Cawsane – Hadaaftimo ayaa qeyb ka ah dadaallada dawladda Puntland ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isku socodka, ganacsiga, iyo nolol-wanaagga bulshada.

Ehelka nin Soomaali ah oo uu Sacuudigu ku fuliyey xukun dil ah oo BBC-da la hadlay

Ehelka nin Soomaali ah oo uu Sacuudigu ku fuliyey xukun dil ah oo BBC-da la hadlay

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa soo saartay qoraal ku saabsan fulinta xukun dil ah oo lagu fuliyey sida ay sheegtay “mid ka mid ah dadka falal dambiyeedka ka galay gobolka Najran,” sida lagu yiri qoraalka.

Sida lagu daacabay wakaalada wararka ee dalka Sacuudiga ee SPA, qofka lagu fuliyey xukunka ayaa lagu sheegay in dhalashadiisu tahay Soomaali, laguna magacaabo Maxamed Nuur Xuseeen.

Sacuudigu waxay sheegeen in ninkan lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Xashiis gudaha dalka Sacuudiga.

“Ciidamada amniga ayaa awood u yeeshay inay qabtaan dambigaasi lagu eedeeyay, waxaana baaritaanka kadib loo gudbiyay maxkamad si loo sameeyo qaadashada xukunka. Kadib markii maxkamaddii ayaa cadeysayay dambiga lagu eedeeyay, waxaa la amray in lagu fuliyo xukunka dilka ah iyadoo ah ciqaab loo daayay. Xukunkaasi wuxuu noqday mid kama dambays ah kadib markii la raacay, waxaana go’aanka sare ee maxkamada la waafajiyay, sidoo kale amarka boqortooyada ayaa la bixiyay si loo fuliyo go’aaminta sharciga” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudigu waxay ku sheegtay warsaxaafadeeda inay xaqiijineyso in dowladda Boqortooyada Sacuudiga ay si dhab ah uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka iyo ka hortagga mukhaadaraadka, iyadoo lagu ciqaabayo kuwa ka ganacsadaba.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Sacuudigu digniin u dirayo cid kasta oo sidaas sameysa, ayadoo la kulmi doonta ciqaabta sharciga ah.

Ehelka oo ka hadlay xukunka dilka ee wiilkooda

Leylo

Leyla Maxamuud Axmed oo ay dhanka hooyada ay walaalo ka yihiin Maxamed Nuur Xuseen Gacal oo ay dowladda Sacuudigu sheegtay in Axaddii lagu fuliyey xukun dil ah ayaa BBC-da u sheegtay in walaalkeed uu muddo toddobo sano ah ku xirnaa dalkaasi.

“Mukhaadaraad layskuma dilee maxaa ka khaldan dowladda Sacuudiga” ayey tiri Layla iyadoo ka hadlaysay xukunka dilka ee walaalkeed lagu fuliyey.

Waxay sheegtay in ehel ahaan ay xogta ka heleen qof waraysi bixiyey oo sheegay in walaalkeed laga qaaday xabsigii uu ku xirnaa.

Ka hor Sacuudiga, waxay sheegtay in walaalkeed Gacal uu muddo dhowr iyo toban sano ah ku noolaa dalka Yemen.

Layla, waxay BBC-da u sheegtay in ay la xiriirayeen oo uu la hadli jiray walaalkeed muddadii uu ku xirnaa xabsiga Sacuudiga uuna u sheegay inuu rajo ka qabo in la soo deynayo.

“Mar kasta ayuu nala hadlayey, soonka xitaa waa lay soo daynayaa ayuu na yiri,”ayey tiri Leylo. Xiriirkii ugu denmbeyey ee dhexmaray Gacal iyo qoyska ayey sheegtay inuu maalintii shalay.

Mar Leyla ay sharraxday sababta loo xiray iyo in walaalkeed u sheegay waxa loo haysto ayey sheegtay, ” Haa, haa muqaadaraadkaas bes ayuu u xirnaa” ayey intaas raacisay.

Iyadoo ka hadlaysay xukunka Sucuudiga ayey sheegtay “inay dood weyn ka qabaan, aysana anficin”.

Waxay intaa raacisay in walaalkeed Maxamed Nuur Xuseeen, uu ahaa qof madi ka ah dhanka aabaha isla markaana lahaa shan carruur ah oo yaryar.

Marka laga soo tago ninkan Soomaaliga ee Sacuudigu ku fuliyey xukunka qoor-goynta ah, ehelada maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukuman dil oo horey BBC-da ula hadlay ayaa dalbaday in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Sharciga Sacuudiga uga yaalla dadka darooga lagu qabto

Sacuudiga

Dalka Sacuudiga ayaa dadka gala dembiyada ay ka midka tahay daroogada waxaa lagu xukumaa xabsiyo muddo dheer amaba dil qoor-goyn ah.

Heerka dilalka dalka Sacuudiga ayaa laba laabmay tan iyo sanadkii 2015 -sida laga soo xigtay warbixin xuquuqda aadanaha oo sanadkii la soo dhaafay soo baxday – waana sanadkii Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay xukunka qabteen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii September ee sanadkan waxay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xukun dil ah ku fulisay in ka badan 198 qof sanadkan 2024 keliya.

Inkastoo marar badan uu Sacuudigu ballan-qaaday yareynta adeegsiga xukunka dilka, ayaa haddana ay sii kordhiyeen, sida ay sheegtay hay’adda.

Fulinta xukunka dilka ee dembiyada la xiriira daroogada ayaa kordhay sanadkan, iyadoo celcelis ahaan uu dalkaasi dil ku fuliyo hal qof labadii maalmoodba, sida ku xusan warbixinta hay’adda.

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah ayaa muddo 3 bilood ka hor laga joogo BBC u xaqiijisay in ay jiraan Soomail ku xiran meel u dhow xuduudda Sacuudiga iyo Yemen. Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Jeddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macaruuf) ayaa BBC u sheegay inay ka war hayaan maxaabiistaas oo tiradooda uu ku qiyaasay 45 – 50, ayna ugu tageen halka ay ku xiran yihiin.

Wuxuu intaa ku daray in lagu qabtay ayagoo Sacuudiga soo gelinaya xaddi badan oo daroogo ah, sida uu dhigayo sharciga Sacuudigana lagu xukumay dil, laakinse aan lagu fulinin dilka maadaama dawladda Soomaaliya ay arrinta soo fara gelisay oo ay kala hadashay mas’uuliyiinta sacuudiga, kuwaasoo tixgelin siiyey codsiga dawladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay sacuudiga in dadkaas Soomaalida ah ee la qabtay ayagoo dalka daroogo soo galinaya ay isugu jireen kuwo aan ogsoonayn dambiga ay mutaysan karaan oo jahli uu u geeyey iyo qaar lagu khasbay in ay daroogada qaadaan, sidaa darteedna waxaan dawladda Sacuudiga ka codsannay in dilka loogu beddelo xabsi” ayuu yiri qusulka Soomaaliya ee Jeddah, Macaruuf.

Wuxuu kaloo qunsulku u sheegay BBC in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu arrinta kala hadlay dawladda Sacuudiga.

XAFIISKA WARFAAFINTA EE HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA DAACISH-

Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana

Argagixisada Daacish.

Dowladda Puntland waxay Saaxibada Imaaraadka uga mahadcelinaysaa gacanta joogtada ah ee ay ka geysanayso dagaalka ay Puntland kula jirto Argagixisada Daacish/ISIS.

-DHAMMAAD –

-XAFIISKA WARFAAFINTA EE HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA DAACISH-

Waa kuma Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi, hogaamiyaha kooxda Daacish ee loo malaynayo inuu Soomaali yahay?

Waa kuma Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi, hogaamiyaha kooxda Daacish ee loo malaynayo inuu Soomaali yahay?

Waxaa sii kordhaya tirada dalalka u malaynaya inay aqoonsadeen ninka maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay jirto “kalsooni sii kordhaysa” in hogaamiyaha Daashic uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa noqonaya hoggaamiyihii shanaad ee kooxda tan iyo dilkii Abu Bakr al-Baghdadi.

Kooxdan oo mar ka talineysay dhul ballaaran oo ku yaalal dalaka Ciraaq iyo Suuriya iyadoo sidoo kale saameyn weyn ku leh dalal ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya ayaase loo arkaa inay tahay meesha ay saameynta muuqata ku leeyihiin.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa saldhigooda ugu weyn ku lleh buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland dhawaan ka bilaabeen guluf dagaal oo loo arko kii ugu xooganaa oo ciidamada Puntland iyo kooxda dhexmara.

Maraykanka ayaa inta howlgalada Puntland ka wadeen buuraha Calmiskaad halkaasi ka fuliyey duqayn dhanka cirka kaas oo howlgalka Maraykanka ee Afrika ay dhawaan sheegeen inay ku dileen dhowr iyo toban xubnood ka mida kooxda Daacish.

“Aqoonsiga hogaamiyaha Daacisha ama ISIL , Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, ayaa ahayd mid aan caddayn. Waxaa jiray kalsooni sii kordhaysa oo ka dhex muuqata qaar ka mid ah Dowladaha ah, taasoo sheegaysa in al-Qurashi uu yahay Cabdiqaadir Muumin, oo ah madaxa Daacish ee Soomaaliya, laakiin shakiga laga muujiyey ayaa sii socda,”ayaa lagu yiri warbixinta.

Muhiimadda uu Muumin, u leeyahay hawlgallada caalamiga ah ee Daacish shaki kuma jirin. Warbixinadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in la dalacsiiyay si uu u hogaamiyo wilaayada Islaamiga ah, taasoo si dhaba u siinaysa xakameynta faracyada kooxda ee Afrika sida lagu xusay warbixinta kooxda.

“Tani waxay muujin kartaa isbeddel qorshaysan oo ku wajahan qaab hawlgal oo si ka dheereeya, meel ka fog goobta dagaalka aasaasiga ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Maha in dhammaan dalalka bixiyey xogta sirdoon ee warbixinta ay isku raacsan yihiin

Tan iyo geeridii hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi 2019, kooxda ayaa isku dayday inay ilaaliso hogaamiyeyaashooda iyagoo qarinaya aqoonsigooda iyo sidoo kale yaraynta muuqaalada dadweynaha.

Sanadkii 2022-kii kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyihii ururkaasi Abuu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, waxayna badalkiisa u magacaabeen Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi.

Haddii Abu Hafs uu yahay Mumin ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka badbaado ugu yaraan hal isku day dil oo duqayn hawada oo Mareykanka fuliyey bishii May 2024-kii.

Warbixintii toddobaadkan ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo duqayntii, Mumin uu “qaaday tillaabooyin si uu u xadido soo bandhigida kooxda ee dareenka aan loo baahnayn ee dibadda,”

Waa kuma Cabdiqaar Muumin?

Waa kuma Cabdulqaadir muumi

Inta laga ogyahay, Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii kontomeeyadii, isagoo ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari ee Soomaaliya.

Muumin, ayaa dhammaadkii sagaashameeyadii galay Yurub, xilligii dagaalada culusi ka socdeen Soomaaliya, isagoo ku horreeyey dalka Sweden oo uu daganaa in door ah, balse markii danbe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska halkaas oo uu waayo kale ku qaatay.

Waxaa uu ka mid ahaa culimadii Masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo Xarunta Islaamiga ah ee Greenwich ee London.

Cabdiqaadir Muumin, ayaa ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahayd ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii

Wuxuu sarkaalka la hadlay BBCda sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tagay Muumin, magalada Bosaaso ee gobolka Bari.

“Wuxuu Bosaaso ka qaban jiray waqtigaas uu maxaakiimta ka mid ahaa muxaadarooyin masaajidada balse markasta waa uu qabay fikirkaas hadda uu wado,” ayuu yiri sarkaalku.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale u sheegay in BBC da in markii Maxaakiimta iyo al-Shabab ay kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo shabeellada hoose, “Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda al-shabaab xubnahadooda ka asaasmayeen Puntland uu yimid deegaanada Puntland. Wuu dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay buuraha isagoo ka tirsan al-shabaab,”

Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska, ka dib markii ay baaritaan ku samaysay haya’adda sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay.

Cabdulqaadir ayaa waxaa u dhaxda xaas ay iska soo guursadeen dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC da in ay mar gacanta u gashay hay’adooda xilli ay ka soo laabaneysay buuraha Galgala.

Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysanyhay in Cabdiqaadir Muumin, uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya.

Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka danbeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.