Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa xafiiska ku qaabilay ku simaha Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa xafiiska ku qaabilay ku simaha Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa kulankooda kaga wadahadley horumarka ya Dowladda Federaalka Soomaaaliya ka sameyneyso dhanka sugidda amniga, dagaalka lagula jiro Khawaarijta, diyaar garowga wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, maamul wanaagga, adeegyada bulshada, barnaamijyada xasilinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey dadaalka ay dowladda u gashey sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo taageero iyo iskaashi u buuxa u muujiyay dowladda iyo ciidanka qaranka.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis uu Ergeyga Qaramada Midoobay faahfaahin ka siiyay qaraarkii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirada ee khuseeyay maareynta maaliyadda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa.

Ku-Simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho ayaa dhankeeda ku bogaadisay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto inay nabad, kala dambeyn iyo horumar ku soo dabbaasho dalka, iyadoo intaa ku dartey in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashiga iy

Wasiirka Ganacsiga oo daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha

Wasiirka Ganacsiga oo daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay munaasibad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor  inta ayna badeecadahu soo galin dalka, taas oo ay si daahfuran ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritas, taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiira Jibriil, ayaa sheegay in talaabadani ay hagaajin doonto, isla markaana dhirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka, waxaana uu bogaadiyey Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo dedaal xoog ah ku bixiyey guusha maanta la gaadhay.

 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in arrintani ay muhiim u tahay ilaalinta badqabka bulshada,  kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha ivo kobac dhaqaale oo waara, isaga oo xusay inay suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aynnu la leenahay wadamada caalamka.

Ugu dambayn, Wasiirku, wuxu guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo u mahadceliyey madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah ee arrintan ku taageeray Wasaaradda.

This image has an empty alt attribute; its file name is FB_IMG_1684077320357-1200x630.jpg

Waa indhoole haddana wuxuu heer ka gaaray tartanka gaari kaxeynta

Waa indhoole haddana wuxuu heer ka gaaray tartanka gaari kaxeynta

Gaadhigan guduudan ee Corolla ee ay shirkadda Toyota samayso ayaa ku orday waddada wareegga ah ee tartamada orodka gawaadhida lagu qabto- Chutana, xawaare ah 180 kilomitir saacaddiiba.

Guuxa salbatooyada ku rakiban matoorka awoodda badan ayaa jabiyey aamusnaanta duhurkii ee goobtan caasimadda Lima ee Peru u jirta 44-ta kilomitir.

Dhowr wareeg oo kale ka dib gariga ayaa gees la dhigay. Wadaha ayaa iska siibay duubka iyo koofida gaashaanka madaxa. Isaga oo dhididsan balse qanacsan ayuu kaamarada u taagaay suulka si uu u muujiyo qanacsanaantiisa sida uu u kaxaynayey gaariga.

“Magacaygu waa Pacho Kantt waxaana ahay indhool”

Sida dhabta ah indhoolenimada waxaa usii dheer inuu dhagahana naafo ka yahay sida ay caddeeyeen kaaliyeyaasha maqalka oo labadiisa dhagoodba ku jira.

Nin Firfircoon

Pacho Kantt oo taagan
Qo

Kantt oo 48 jir ah ayaan waxba arkin haba yaraatee. Kaliya wuxuu dareemi karaa haddii uu la kulmo iftiin aad u xooggan, wax kale ma arki karo, wuxuuna qabaa dhago la’aan dhexdhexaad illa heer daran ah.

Dhammaan dhibaatooyinkan waa natiijo ka dhalatay cudurka afka qalaad loo yaqaan ‘retinitis pigmentosa’ kaas oo si tartiib-tartiib ah u daboolay araggiisa illaa uu indhool rasmi ah ka noqdo sannadkii 2005.

Balse muddo kooban ayaa kugu filan inaad la qaadato si aad u ogaato in cudurku araggiisa la tagay balse bashaashnimaddiisu dhammaystiran tahay.

“Markii aan indho beelay, waxaan go’aansaday in tani aysan ila hadhin,” ayuu u sheegay BBC Mundo isaga oo weli ku qafilan labiska tartanka baabuurta.

Wuxuu ku qasbanaaday in uu joojiyo wadista gaariga ee waddoyinka caadiga ah, taas oo uu ku tilmaamay “mid adkayd” balse wuxuu sii watay noloshiisa, nolo ku xeeran waxa uu jecel yahay.

“Markaan yaraa ilaa hadda waxaan jeclahay gawaarida,” ayuu yiri.

Pacho wuxuu maamulaa geerash ku yaal magaalada Lima ee caasimadda dalka Peru, waxaanu sidoo kale ka ganacsadaa kala iibinta gawaarida.

Pacho wuxuu si mashquul ah uga shaqeeyaa xafiiskiisa isaga oo taleefanba kan ku xiga qabanaya, heshiisyo samaynaya, iibinaya adeegna bixinaya isaga oo adeegsanaya teknoolajiayada maqalka caawisa.

Mararka qaar waxaad xitaa ka shakin kartaa inuuba indhool yahay. Balse shakigaagu wuxuu baxayaa marka aad aragto isaga oo galaya aagga makaanigga.

Wuxuu socsoconayaa isaga oo gacan ka helaya Piero Polar oo ah saaxiibkiisa aadka ugu dhow. Wuxuu soconayaa isaga oo garbaha ka haysta.

Kantt oo gaari farsameynaya
Qoraalka sawirka,Pacho Kantt iyo saaxiibkiis Piero Polar ayaa wax walba isla qabta

Kuwo mar walba isla jira

Run ahaantii, darawalka asalka ah Piero ayuu ahaa markii ay ka qayb galayeen kuna guuleysanayeen tartankii Peru, Piero ayaa shukaanta gaariga hayey Pacho koox uu ka mid yahayna waxay qabanayeen farsamada, cillad bixinta maareynta, iwm.

Pacho ayaa sidoo kale sheegaya sidii uu maalin maalmaha ka mid ah u noqday kan gaariga wada qudhiisa. “Maalin ayaan Piero ku idhi, ‘waxaan doonayaa inaan kexeyo gaarigaaga’. wuxuuna iigu jawaabay, dabcan markii aad doonto kexee.”

Wax ku bilowday iska fikir waalli ah ayaa noqday xaqiiqo ka dib tijaabo aan maray. Piero ayaa mar walba la raaca gaariga isaga oo ku fadhiya kursiga rakaabka una sheegaya Pacho waxa uu samaynayo mar walba.

Gaariga Pacho Kantt
Qoraalka sawirka,Kantt ayaa ku tababarta gaari khaas ah- Toyota Corolla

Labadoodu waxay samaysteen luuqad taabasho ah oo ku salaysan xerada tartanka maxaa yeelay dhawaqa gaariga ayaan u suurta galineynin in pacho uu maqlo hadalka Piero ee tilmaamta.

Saas darteed, tusaale, marka Piero uu taabto cududda gacanta Pacho, waxay ka dhigan tahay in uu xakamaha (bereegga) gaariga qabto. haddii uu laba jeer taabtana waxay ka dhigan tahay in uu si xoog ah u qabto xakamaha. waxaa sidoo kale jira is gaarsiinta degdegga ah. “Marka uu gacantayda garaaco, waxay ka dhigan tahay, ‘war jooji waxyahow waalan ha inna laynine’ ” ayuu yiri Pacho oo qoslaya.

Layli badan ka dib pacho wuxuu bilaabay in uu galo bandhigyo dalxiis. “Yoolkaygu wuxuu ahaa in aan dadka tuso in aanay jiray xaalad adag oo kaa hor istaagi karta ujeedkaaga,” ayuu yiri.

Ka dib markii uu maray marar badan waddada tartanka wareegga ah ee Chutana wuxuu u kala bartay sida dhabarka gacantiisa. Xujada xiga waxay ahayd in uu bandhig gaari kaxays ah ku sameeyo waddo tartan oo uusan aqoon taas oo ku taal Equador waanu sameeyay.

“Dad aad u badan ayaa joogay, waxayna ii ahayd fursad cajiib ah,” ayuu yiri Pacho.

Aragga oo soo laabtay?

Kantt
Qoraalka sawirka,Kantt wuxuu doonayaa in uu noqdo qof ku dayasho mudan

Wareeggiisii u horreeyay ee La Chutana wuxuu ku qaatay 1 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi. inkastoo sida uu sheegay, “tani maysan ahaynxawaaraha ee waxay ahayd in farriinta dadka u gudubto ah in aadan soo joogsan ee aad hor u socoto waligaa.” Pacho waa ganacsade, aabbe iyo nin gawaarida aad u xiiseeya. Gabadhiisa 15 jirka ah ayaa sida isaga lagsoo xigtay u ah waxa kale ee uu aadka u jecel yahay. Waxay la noolayd tan iyo markii ay hooyadeed kala tageen, markaas oo ay 4 sani jir ahayd.

Markii ay dhalanaysay Pacho wuu indha la’aa. “Waa waxa ugu horreeya ee aan eegi doono haddi aan aragayga dib u helo.” ayuu yiri.

Si riyadaasi ugu hir gasho Pacho wuxuu u baahan yahay qaliinka Retina oo ah mid aan weli la heli karin.

Kama raja dhigin in maalin maalmaha ka mid ah saynisku gaari doono heer indhihiisa uu dib u helo, balse hal arrin ayaa isaga u cad: “Uma joogsanayo xanuunkayga, saas tarteed maalin walba waxaan isku dayayaa sidaan u noqon laha aabe wanaagsan, qof wanaagsan iyo ganacsade wanaagsan.”

Inkasta oo aanu waxba arkeynin taasi waa sababta Pacho uu sheelaraha lugta ugu riixo.

BBC

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo bad-baaday dagaalada Suudan oo soo gaaray dalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo bad-baaday dagaalada Suudan oo soo gaaray dalka 

Dowladda Soomaaliya, ayaa 9 muwaadiniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho.

Muwaadiintaan, ayaa ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka soo galeen xuduuda Sudan, muwaadiniintaan oo ah arday wax ka baranaysay dalka Sudan oo iskugu jira rag iyo dumar, ayaa waxaa garoonka Aadan Cusmaan aadan cadde, kusoo dhaweeyay xafiiska Ergayga gaarka ah Madaxweynaha u qaabilsan soo galootiga iyo xaquuqda Carruurta.

Dowaladda federal ka Soomaaliya waxaa ka go’an inaysan waxba la harin inta muwaadinka ugu dambeeya laga soo badbaadinaayo colaadda ka taagan Suudaan.

 

Doorashadii ugu adkeyd oo berri ka dhaceysa Turkiga

Doorashadii ugu adkeyd oo berri ka dhaceysa Turkiga

Maalinta Axadda ah ee beri waxa ay dadweynaha Turkigu u dareerayaan doorashada guud ee dalkaasi ka qabsoomeysa. Doorashadani ma go’aamin doonto oo kaliya siyaasadda dalka gudihiisa, laakiin waxa kale oo ay saameyn ku yaalan doontaa arjiga Sweden ee Xulifada NATO. Warbxin gaar ah oo ku saabsan ammuurtan waxa magaalada London inooga soo direy wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Waa tuma gabadha Soomaalida ah ee noqonaysa Muslimaddii ugu horreysay ee garsoore kubadda cagata ah ka noqota UK?

Waa tuma gabadha Soomaalida ah ee noqonaysa Muslimaddii ugu horreysay ee garsoore kubadda cagata ah ka noqota UK?

Gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah oo garsoore ka noqota UK ayaa sheegtay in ay hiigsaneyso in ay dhex dhexaadiso heerka ugu sareeya, waxa ayna haweenka kale ku dhiiri galisay in ay soo raacaan wadada ay marayso.

Jawaahir Rooble waxay jirtay 10-sano oo kaliya markii ay iyada iyo qoyskeedaba magan-gelyo doon ka noqdeen London kadib markii ay kasoo carareen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Jawaahir oo ku nooleyd meel aan sidaa uga fogeyn garoonka kubadda cagta ee Wembley iyo ciyaaristii kubbadda cagta ee dugsiga hoose ayaa ahayd tallaabadii ugu horreysay ee safarkeeda garsoorenimo.

Wareysi ay horay u siisay BBC Sport ayay kaga hadashay barashada Ingiriisiga, sida ay u maareyso takoorka iyo yoolalka shaqadeeda.

“Erayada ingiriiska ah si dabiici ah ayey u soo bixayeen afkayga, waxaanan is weydiiyay qofka sidan ugu hadlaya afka ingiriisiga ma adigaa?.”

Jawaahir waxa ay sheegtay in ay ku riyoon jirtay in ay England ku matasho kubadda cagta, balse waalidkeed ay ku dhiiri galiyeen in ay sii wadato xifaddeeda caadiga ah”.

“Waxa aan doonayay in aan u ciyaaro England laakiin waalidkey waxa ay moodayeen in aysan waligeed dhici doonin” ayay tiri. “Waxay doonayeen inaan wax barto oo aan helo shaqo caadi ah sida habluha kale.

Jawaahir Roble

Jaceylkeeda kubadda cagta waxa uu ka soo bilowday gurigeedii Muqdisho markii ay la ciyaareysay caruurtii ay xaafaddii deganayd iskula noolaayeen iyadoo weliba magaalada hareeyeen dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda.

Sannadkii 2014-kii iyadoo 19 sano jir ayaa waxay si dhab ah ugu duubatay inay dhiiro geliso gabdhaha Muslimiinta ah ee kubadda cagta dheela.

2013-kii ayaa waxay heshay lacag gunno ah taas oo u sahashay inay ku biirto tartanka kubadda cagta

Sannadkii 2017-kii, waxay ku guuleysatay mid ka mid 11-kii abaalmarin oo loo yaqaano Respect Awards.

Jawaahir Rooble

2014, Jawaahir oo markaas 19 jir ahaa ayaa qortay: Waxaan ku riyooday in walaalahayga gabdhaha Muslimiinta ah maalin maalmaha ka mid ah ay si farxad leh u ciyaaraan kubadda cagta. Ujeedadaydu waa inaan gabdhaha Muslimiinta ah ka qaybgeliyo ciyaaraha kubadda cagta ah laga bilaabo da’da 8 sano ilaa 15. Ujeedadeyda guud waa inaan kor u qaado kubbadda cagta oo ah xirfad lagu hawlgeliyo gabdhaha da’da yar ka dibna aan socodsiiyo aqoon-is-weydaarsiyo caawiya horumarinta xirfadaha dhismaha kooxda, kor u qaadida kalsoonida iyo sidoo kale kor u qaadida qaab nololeed caafimaad leh.

Waxaa 2019 loo aqoonsaday mid ka mid ah 100-ka haween ee ugu saameynta badan ee BBC-da.