Tartanka dhallinyarada Soomaalida ee Toronto iyo Ottawa oo billowday

Tartanka dhallinyarada Soomaalida ee Toronto iyo Ottawa oo billowday

Cayaaro ay isku baranayaan dhallinyarada Soomaalida ee magaalooyinka Ottawa iyo Toronto oo ka wada tirsan gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa ka dhacay magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaas.

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa muhiimadda ku sheegay sidii ay is dhex-gal u sameyn lahaayeen dhallinyarada Soomaalida, islamarkaana ay uga fogaan lahaayeen falalka aan wanaagsaneyn.

Tacsi: Cismaan Dalmar X.Yuuduf

Allah ha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland marxuum Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo mudda dhawr sano ah xanuunsanaa.

Marxuumla   , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

BEESHA CAALAMKA OO SI BUUXDA U TAAGEERTAY DOORASHOOYINKA QOF IYO COD EE PUNTLAND

BEESHA CAALAMKA OO SI BUUXDA U TAAGEERTAY DOORASHOOYINKA QOF IYO COD EE PUNTLAND

Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

Saaxiibdu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Awoowe Daarood

M.Deni iyo gudoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid oo booqday awoowe Daarood0m

Haylaan: 22 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Qabriga Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdiraxmaan Ismaaciil Jabarti (Daarood) oo ka mid ahaa Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ay kasoo farcameen qaar ka mid ah qabaa’Ilka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa u duceeyay Marxuumka, wuxuuna Salaan iyo xogwareysi la yeeshay culimada gacanta ku haysa xarunta, Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu booqday oo usoo duceeyay Qabriga Marwadii Shiikh Daarood,

Wasiir ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Buhoodle & Widhwidh

Wasiir ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Buhoodle & Widhwidh

Buuhoodle: wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknolqjiyada DFS Jaamac Xasan Khaliif oo safar shaqo ku marayay degaanada Khaatumo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle.Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka kaga horyimid duleedka magalada Buuhoodle.

Widhwidh:wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta DFS oo booqasho ku maraya gobolada SSC ayaa booqday cisbitaalka guud ee magaalada Widhwidh, oo ay yaaliin dhaawacyada ciidanka Khaatumo-SSC.

Laascaanood: wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta DFS ayaa kulan la qaatay isimada dhaqanka SSC.

+4

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda, waxaana sidoo kale uu Madaxweynaha Jubbaland kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin, Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta Ciidamada Booliska.

Reer Culusoow oo dawladnimaddii Soomaaliya ku ciyaaraya

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Sacuudi Careebiya Amb, Salim Macow Xaaji ayaa iska casilay xilkii Safiirnimo,

Safiirka ayaa sheegay inay si xun ay ula dhaqmaan Madaxweyne Xasan Culusoow, gabadhiisa Jihaan Culusoow iyo gabadha uu adeerka u yahay Hinda Culusoow.

Kaarkii Safiirka ayaa lasiiyey gabadha Madaxweynaha, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kamadax banaan dhinacyadan.

Dhiigga xoolaha ma loo bedi karaa biyo lacabi karo?

Shirkad Belgian ah ayaa u beddeli doonta dhiigga xoolaha biyo tayo leh oo la cabbo.

Diiga ayaa laga soo uruurin doono goobaha xolaha lagu gowraco.

Veos, oo ah shirkad oo quudinta xoolaha iyo borotiinka ka sameyso waxyaabaha ka sooharo gowraca xolaha, ayaa ujeeddadeedu tahay in ay badbaadiso 45 milyan oo litir oo biyo ah sannadkii iyada oo beddeleysa dhiigga xoolaha biyo la cabo karo.

Shirkaddan, oo ku taal magaalada Zwevezel, ee xuduudka Holland, ayaa ku dhawaaqday inay samayn doonto warshad qarashaka kubaxaya uu gaaray 2 milyan oo Yuuro si loogu beddelo dhiigga xayawaanka biyaha la cabbi karo.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Belgian, tani waxay noqon doontaa tii ugu horeysay ee adduunka laga hirgiliyo .