Maraykanka oo ka hadlay sababta uu u baajiyay tababarka ciidan ee Berbera

Maraykanka oo ka hadlay sababta uu u baajiyay tababarka ciidan ee Berbera

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta loo baajiyay tababar ciidan oo la qorsheeyay in lagu qabto magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland.

Tababarka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo horraantii sanadkan iyada oo ay halkaas ku qaadan lahaayeen tababarka ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa. Waxa uu qeyb ka noqon lahaa taxane tababar oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadan lahaayeen barriga Afrika, kaas oo ka dhici lahaa islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti.

Saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkan magaalada Berbera halkaas oo loo qorsheeyay in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku qaataan. Waxay booqdeen goobo loo asteeyay tababarka, iyaga oo sidoo kale la kulmay madaxda Somaliland. Laakiin tababarka oo la filayay in uu dhaco dhamaadka bishii February ayaa qabsoomin iyada oo saraakiisha wasaaradda arrimaha dibeda ee Mareykanka ay markii ugu horreysay BBC u faahfaahiyeen sababaha uu u baaqday tababarkaas.

Danjiraha shaqada ka tagaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la xiriiriyay sababaha loo baajiyay tababarkaas colaada ka taagan Laascaanood ee u dhexeysa ciidamada Somaliland iyo dadka diidan inay maamulka Hargeysa. Colaadaas ayaa cirka isku shareertay horrantii sanadkan kadib markii odeyaasha dhaqanka ee deegaanka ay shaaciyeen in aysan qeyb ka noqonaynin maamulka Somaliland, iyaga oo dalbaday in ciidamada maamulkaas uu isaga baxo deegaankooda. Boqolaal dad ah ayaa ku geeriyooday dagaalka labada dhinac, iyada oo ay kumanaan kale na guryahooda ka qaxeen. Xabadjoojin dhowr jeer lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale fashilantay iyada oo dedaalo dhex dhexaadin ah oo la waday na aysan weli waxba kasoo bixin.

Wasaarada Tamarta Macdanta iyi Biyaha Dowladda Puntland Mudane Carshe Siciid awmuuse oo ay wehelinaaye

Wasiirka wasaarada Tamarta Macdanta iyi Biyaha Dowladda Puntland Mudane Carshe Siciid awmuuse oo ay wehelinaayeen Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland ayaa Xariga ka jaray Xarunta wasaaradu ku yeellatay Magaalo Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Masuuliyiintan ayaana kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xaruntan sidaXafiisyada.

Wasiirka Tamarta Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Carshe Siciid Awmuuse ayaa ka hadlay muhiimada ay u leedahay Magaalada Bosaaso Xaruntan iyo mashariicda horumarineed ee laga qabanaayo Magaalada.

Axmed Madoobe oo la kulmay Isimada Dhulbahante

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Isimada Dhaqanka ee beesha Dhulbahante

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan Qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada Beesha Dhulbahante.

Madaxweynaha Jubbaland  ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS iyo mas’uuliyiin kale.

Abaal marin lagu xusuusanayo Hodan Naaleeye oo laga bixiyay iskuul ku yaalla Canada

Abaal marin lagu xusuusanayo Hodan Naaleeye oo laga bixiyay iskuul ku yaalla Canada

Dusgi sare oo ku yaalla dalka Canada ayaa bilaabay inuu bixiyo abaalmarin sanadle ah oo loogu magac daray change-maker award, taas oo lagu maamuusayo wax-qabadkii Allaha u naxriistee Hodan Naleeye oo ku dhimatay weerar 2019-kii lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Qoyska Hodan ayaa sheegay in abaalmarintan ay ku xasuusan doonaan Hodan.

Sanadkii 2021-kii ayaa dugsiga sare ee vaughan ee gobolka Ontario waxa laga badalay magicii hore iyadoo lo bixiyay dugsiga sare ee Hodan Naaleeye.

Isla maamulka iskuulka iyo ehelada Hodan oo is kaashanaya ayaa bilaabay abaal marin sanadle ah oo lagu magacaabo change-maker award laguna xusuusanayo Hodan Naaleeye.

Illaa kun arday ah ayaa dhigata iskuulka iyadoo carruurta loogu tala galay in ay bartaan waxa ay ahayd Hodan iyo waxa ay qaban jirtay.

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye oo ahayd saxafiyad si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo caalamkaba ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo.

Xamza: Xukuumadda waxaa ka go’an dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka

Xamza: Xukuumadda waxaa ka go’an dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka

Heshiiskaas ayaa waxaa qeyb ka ah; in dalka ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, islamarkaana la qaato hanaankka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyo qodobo kale.

Xamza oo ka hadlay kulankii golaha wasiirada ee maanta ayaa heshiiska ku tilmaamay “fursad qaali u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aamiyaan hoggaankooda.”

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxa uu faray wasaaradaha inay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna xukuumaddu ay billaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Hadafka xukuumadda Dan Qaran waa in aynaan noqon kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya,” ayuu yiri.

Heshiiska hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa kasoo horjeestay siyaasiyiinta mucaaradka, maamul goboleedka Puntland iyo bulshada rayidka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii hannaanka doorashooyinka oo ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskaas ayaa waxaa qeyb ka ah; in dalka ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, islamarkaana la qaato hanaankka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyo qodobo kale.

Xamza oo ka hadlay kulankii golaha wasiirada ee maanta ayaa heshiiska ku tilmaamay “fursad qaali u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aamiyaan hoggaankooda.”

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxa uu faray wasaaradaha inay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna xukuumaddu ay billaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Hadafka xukuumadda Dan Qaran waa in aynaan noqon kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya,” ayuu yiri.

Heshiiska hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa kasoo horjeestay siyaasiyiinta mucaaradka, maamul goboleedka Puntland iyo bulshada rayidka.

Imaaraadka oo ka baxay isbaheysi uu kul jiray Mareykanka

Imaaraadka oo ka baxay isbaheysi uu kul jiray Mareykanka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.

Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.

Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran.

“Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.

Bayaanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay, in warbixin uu Talaadadii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo isaga oo soo xiganaya ilo Mareykan iyo Khaliij ah sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen jawaab la’aanta Mareykanka ee qabsashada maraakiibta “ay fasiraad khaldan” ka bixineyso wada-hadallada labada dal.

Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan.

Shirka Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dalka oo looga hadlay iskaashiga iyo fursadaha jira

Shirka Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dalka oo looga hadlay iskaashiga iyo fursadaha jira

Shirka Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dalka oo galay maalintii 2-aad ayaa waxaa maanta jiro kulamo gaar gaar ah oo isku xir ah, kuwaasi oo u socda qeybaha kala duwan ee Ganacstada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga, oo ka wada-hadlaya iskaashiga ganacsiyadooda, maalgashiga iyo fursadaha ganacsi ee ka jira dalkeenna.

Qeybaha ganacsiyada ee shirarku u socdaan, ayaa waxa ka mid ah Beeraha, Kalluumaysiga, Tamarta iyo Warshadaha, waxaana wada-hadaladan u socda ganacsatadu ay horumarin doonaan iskaashiga iyo xiriirka ganacsi ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Talyaaniga. Iyada oo sidoo kale ay abuuri doonto kobac dhaqaale oo aad u weyn.

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isaga toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet shan iyo afartan sano kahor. Wixii markaas ka horreeyay Ruushka ayaa xiriir dhor kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab. Lavrov ayaa shaaciyay qorshehan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.