.Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.

Taliyaha ayaa ka soo jeeda beesha Abgaal ee uu madaxweyne Culusoow ka soo jeeedo

Maxaa laga ogyahay ninka xildhibaanku dhalay ee ku eedeysayn dilka gabdhaha Soomaaliyeed?

Maxaa laga ogyahay ninka xildhibaanku dhalay ee ku eedeysayn dilka gabdhaha Soomaaliyeed?

Gabdhihii saaxiibbada ahaa ee habeenkii Jimcihii ku dhintay shil gaari ayaa maanta lagu aasi doonaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waxaa aaskooda ka qeyb geli doona tiradii ugu badneyd, iyadoo bulshada magaalada Minneapolis aad ugu baroor-diiqayaan dhacdadan ay shanta qof hal mar ku wada geeriyootay.

Waxaa la fasaxay dugsiyada Qur’aanka, iyo goobo kale oo ay bulshadu isugu timaaddo.

Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.

Gabdhahan ayaa abbaaro 10 pm, habeenkii Jimcihii ka tegay Karmel Mall oo laga dukaameysto, kaddib markii ay halkaas cillaan kasoo marsadeen si ay uga qeyb galaan arooska saaxiibaddood oo dhici lahaa Sabtidii.

Goobta bla xiray

Waxay kaddib usoo baxeen inay soo dukaameystaan, kaddibna waxaa gaarigooda ku dhacay gaari xawaare sare ku socday, dhammaantoodna halkaas ayay ku wada geeriyoodeen.

Darawalka gaariga ayaa xawaare dheer ku socday waxaana cayrsanayay oo uu ka baxsanayay gaari booliis, sida la sheegay

Waa kuma ninkan?

Inkastoo booliisku aysan si rasmi ah u magacaabin darawalkan watay gaariga nooca SUV ee dhimashada gabdhaha sababta u ahaa, haddana ilo ayaa ku tilmaamay inuu yahay Derrick John Thompson.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhalay John Thompson ooh ore xildhibaan uga ahaa Minnesota. Isla markii lama qaban shilka kadib balse daqiiqado kadib ayaa la soo qabtay.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 27 jir, ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray haatanna lagu dabiibayo isbitaalka.

“Waxaan rajeynayaa inay isku dayi doonaan wax walba oo ay caddaaladda ugu keeni karaan qoyskan iyo bulshadan.'” Ayuu yiri Agaasimaha Masjidka Dar Al Farooq, Khaalid Cumar, oo warbaahinta la hadlay.

Minnesota
Qoraalka sawirka,DAR AL FAROOQ CENTER

Waxaa la sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee Derrick uu ku lug yeesho shil gaari.

Bishii September 2018 ayuu k uku lug lahaa shil gaari, oo uu qof ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen kaasoo ka dhacay xaafadda Montecito, sida laga soo xigtay waaxda booliiska dembiyada ee MN CRIME. Wuu qirtay dembigaas waxaana lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah sanadkii 2020.

Balse lama oga in markan shilka uu dhacayay uu damaanad bannaanka ku joogay iyo in kale.

Imaaraadka iyo Qatar oo dib u furay safaaradaha kadib sanado xiisad ah

Imaaraadka iyo Qatar oo dib u furay safaaradaha kadib sanado xiisad ah

Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa Isniinta maanta ah ku dhowaaqay dib u furista safaaradaha ay ku kala leeyihiin labada dal, lix sano kadib markii uu go’ay xiriirkooda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa xiriirkooda dib usoo celiyey Janaayo 2021, kadib afar sano oo dalal dhowr ah oo Carbeed ay go’doomiyeen Qatar ayaga oo saaray xayiraad dhulka iyo cirka ah.

“Imaaraadka Carabta iyo Qatarx waxay ku dhowaaqeen soo-celinta mataaladda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Labada dhinac “waxay dib u billaabayaan howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Doha, iyo safaaradda Qatar ee Abu Dhabi iyo qunsuliyaddeeda Dubai,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaan kaas la mid ah waxaa baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid socdaal kusoo rogay Qatar 2017, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto kooxo xagjir ah, ayna aad ugu dhowdahay Iran. Doha waa ay beenisay eedeymahaas.

Dib u furista safaaradaha ayaa imaneysa xilli ay yaraaneyso cadaawaddii Khaliijka kadib markii Sacuudi Carabiya iyo Iran ay bishii March ku dhowaaqeen inay soo afjareen toddoba sano oo xiriirkoodu go’anaa.

Waxaa taas xigay in Qatar iyo dalka ay deriska yihiin ee Bahrayn ay April ku dhowaaqeen inay xiriirkooda dib u billaabayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa Sabtidii booqday Iran, isaga oo la kulmay madaxweyne Ebrahim Raisi, taasi oo ah tallaabo kale oo weyn oo loo qaaday isu soo dhowaanshaha.

Iran ayaa dib u furtay safaaraddeeda Riyadh horraantii Bishan.

Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan oo xilkii laga qaaday

Siyaasigii ugu daacadsanaa koonfurta Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xil ka qaadista ayaa lagu shaaciyay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Cali Jeyte oo marar kala duwan horay u noqday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, ayaa bilihii la soo dhaafay wuxuu hoggaaminaayay ciidamada maamulkaas iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jiro Al Shabaab.Article share tools

Xiisad siyaasadeed cusub oo ka aloosan gobolka Gedo

Xiisad siyaasadeed cusub oo ka aloosan gobolka Gedo

Muddo ka badan saddex sano waxaa xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Xiisadda ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii uu talada banneeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Toddobaadkan ayey mar kale xiisadda cirka isku shareertay markii Garbahaarey laga soo celiyay diyaarad sidday maamul cusub oo uu gobolka Gedo u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

M. Culusoow oo kulan la kala qaatay Guddiyo kala duwan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Shan Gabdhood oo Soomaali ah oo shil ku dhintay


LA WADAAGShan Gabdhoood oo Soomaali ah oo shil gaari ku dhintay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka

Sida ay xaqiijiyeen waaxda booliska ee Minneapolis shan gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka.

War qoraal ah oo ay soo saareen booliska Boiolisku wax ay sheegeen in booliska Minneapolis ay jawaabeen caawinaad ay weeydiisteen waaxda Roondada gobolka Minnesota.

Ciidanka Ilaalada Gobolka Minnesota ee fadhigoodu yahay is-goysyada 35 ee woqooyi ee u dhow waddada 46aad ayaa arkay baabuur si xowli ah ku socda. Kahor intaan la isku dayin in la joojiyo gaarigga ayaa isla markiiba ka baxay wadada weyn. Gaarigdu waxa uu ka dib kasii gudbay nal cas oo ku yaala isgooyska Lake st. iyo wadadda 2aad. wuxuuna ku dhacay gaari kale oo ay saarnaayeen afar dumar ah oo qaangaar ah iyo hal gabar oo aan qaan gaarin. Nin ayaa gaariga ka baxay oo goobta ka baxsaday.

Gabdhaha ayaa suuqa Karmel ee magaalaada Minneapolis kasoo adeegtay ka hor inta aanu gaariga xowligga u socdaahi ku dhicin, Wararku wax ay sheegayaan in sedex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys. Gabdhaha ayaa iksu diyaarinayey munaasabadda qalinjabintooda.Article share tools