7th May 2025  admin  Category :

Hindiya oo weerar gantaalo ah ku qaadday Pakistan

Tiro qaraxyo ah ayaa laga maqlay dhowr meelood oo ku yaalla Pakistan iyo qaybta ay Pakistan xukunto ee gobolka Kashmir ayadoo Hindiya ay sheegtay inay weerar ku qaadday “tas-hiilaadka argagixisada” ee sagaal goobood, Pakistanna waxay wacad ku martay inay weerarrada ka jawaabi doonto.

Qaraxyada ka dib ayey korantadu ka go’day Muzaffarabad oo ah caasimadda gobolka Kashmir ee ay Pakistan maamusho sida ay goobjoogeyaal sheegeen.

“In yar ka hor ciidanka qalabka sida ee Hindiya waxay qaadeen ‘hawlgalka Sindoor’, waxayna garaaceen tas-hiilaadka argagixisada ee Pakistan, iyo Jammu iyo Kashmirta ay Pakistan haysato, halkaasoo weerarro argagixiso oo ka dhan ah Hindiya laga soo qorsheeyey, lagana maamulay” ayey xukuumadda Hindiya ku tiri hadal qoraal ah oo ay soo saartay, oo ay baahisay wakaaladda Reuters.

Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa u sheegay warbaahinta ARY in Hindiya ay weerartay Pakistan oo seddex goobood ay gantaallo ku garaacaday, Pakistaanna ay ka jawaabi doon

Xiisaddan ayaa timid ayadoo labadaas dal ee haysta hubka Nukliyeerka ay mushkilad ka dhex aloosantay ka dib markii lagu weeraray dalxiisayaal Hinduu ah Kashmiirta Hindiya bishii hore.

Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan weerarkaas oo 26 qof lagu dilay, Pakistaanna waxay ku gacan sayrtay inay ku lug lahayd.

Kashmir ayaa ah gobol ay lahaanshihiisa sheegtaan labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*