18th April 2024  admin  Category :

Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka

Kulan laba geesood ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo dowlahada iyo hay’adaha Deeqbixiyayaasha ayaa maanta kulan yeeshay iyaga oo adeegsanaya shir-muuqaaleedka qadka internetka.

Ugu horeyn, waaa shirka furay oo ka qeybgalayaasha warbixin la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac isaga oo ka hadlay howlaha qabsoomay ee lagu dhameeystirayo dastuurka.

“Sidaad la socotaan inta aysan na saameeyn xaaladda iminka uu caalamka la tacaalyo ee Coronavirus, waxa aanu safaro shaqo ku tagnay qaar kamid ah caasimadaha dowlad goboleedyada inaga oo madaxda iyo shacabka kala tashanay arrimaha dastuurka, waxaanu intaa sii garab socodsiinaynay olollaha wacyogelinta dadweynaha oo ka socday Muqdisho iyo dowlad goboleedyada; howlaha noo qorsheeysan waxa kamid ah in aan qabano banbax howleed golaha wasiirada kaga arinsanayaan dhameeystirka dastuurka si aragtida siyaasadeed oo dowladda dhexe ee dastuurka ku saabsan loo mideeyo” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason, Thomas Oertle oo matalayay dowladda Switzerland, Wacheke oo ka socotay dowladda Sweden iyo Jens Peter oo ah masuul katirsan hay’adda arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka Ingiriiska ee loo yaqaano DFID ayaa waxa ay howlaha qabsoomay ku tilmaameen kuwo wax ku ool ah waxa ayna ballanqaadeen in ay sii joogteynayaan taageeradooda ku aaddan dhameeystirka dastuurka.

Sidoo kale, Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankiisa soo hadal qaaday in kala-fadhiga Baarlamaanka ee furmi doona ay ku rajo weynyiihiin inay horgeeyaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dasturka.

Ugu dambayn, Wasiir Saalax Jaamac oo shirka soo xiray ayaa ka qeybgalayaasha u xaqiijiyay in dowladda federaalka ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka sanadkan 2020ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*