
30th March 2025 admin Category :
Haweeneey daawooyinka la isku caddeeyo marisay lix cunug oo ay dhashay iyo wixi ay la kulantay
Haweeney ka soo jeeda waqooyiga dalka Nigeria ayaa ka niyad jabtay kaddib wiilkeeda oo labo jir ah markii uu isbeddelay midbaka wajiga iyo lugaha.
Cadaadis kaga yimid dhanka qoyskeydda ayaa sababay in haweeneydan 32-jirka ah ay caddeyso dhammaan lixdeeda cungu balse way ka shaleysay arrinta ay sameysay.
Fatima oo aan magaceeda baddelnay si aan loo aqoonsan qoyskeeda waxay sheegtay in mid ka mid ah gabdhaheeda ay wajiga daboolato marka ay baxeyso si ay u qariso gubniinka kaga yaal wajiga.
Mid kale oo carruurta ka mid ah midabkiisa waxa uu ka madow yahay sida markii hore uu ahaa halka kan saddexaadna uu calaamado ku yeeshay bushimaha iyo jilbaha.
Cunug kale oo garguuranayo weli kama soo kaban dhaawacyada ka soo gaaray cadeynta lagu sameeyay jirkiisa.
“Walaashey ayaa dhashay carruur midabkoodu furan yahay balse aniga kuweyga aad ayey u madoobaayeen. Waxaan dareemay in hooyadey ay ka jaceshahay kuweyga kuwa walaashey sababtoo ah midabkooda, taas ayaana wax badan i dhaawacday”, ayey tiri Fatima.
Waxay sheegtay in ay jirkooda u adeegsatay kareemooyin ay ka soo iibsatay dukaan ku yaal magaalada Kano iyadoo aan la tashan dhakhatar.

Ugu horeyn waxay u muuqatay in ay shaqeyneyso. Ayeeyada ayaa u digtay carruurta Faima ee da’doodu u dheyxeysay 2 ilaa iyo 16 sano.
In midabka la cadeeyo Nigeria waxaa looga yaqaan biliijing. Meelo badan oo caalamka ayaan laga isticmaalaa.
Haweenka Nigier ayaa ah kuwa ugu badan ee is-cadeeya qaarada Afrika. 77% si joogto ah ayey isu cadeeyaan sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka WHO. Dalka Congo-Brazzaville waxaa is-cadeeya 66%, Senegal waa 50% halka Ghana ay tahay 390%.
Kareemooyinka laysku cadeeyo waxaa ku jira waxyaabo halis ah hadii wax badan laga isticmaalo. Dalal badan waxaa ku siin kara oo kaliya dhakhaatiirta. Mararka qaar waxaa lagu daraa waxyaabo kale oo sun ah sida meerkuri.
Nabaro iyo in midabka oo baddelma ayaa suuragal ah in ay noqoto natiijada, waxaa sidoo kale laga qaada caabuq ku dhaca jirka iyo in meerkuriga uu sumeeyo kilyaha.

Xaalada aad ayey u xuntay ilaa ay ka gaartay Nigeria mid degdeg ah 2023-kii sida ay sheegtay hay’ada nidaamisa cuntada iyo daawada (Nafdac).
Sidoo kale haweenka cadeeya carruurta sida ay Fatima sameysay oo kale waa wax si guud loogu dhaqmo Nigeria.
“Dad badan ayaa la xiriiriya midabka cad qurux ama hantida. Haweenka sida ay sheegeen waxay doonayaan in carruurtooda aan la takoorin sababtaas ayey u cadeeyaan marka ay dhashaan “, sidaasina waxaa BBC-da u sheegtay Zainab Bashir Yau oo leh xarun caafimaad.
Waxay ku qiyaastay in 80% haweenka ay la kulantay ay cadeeyeen carruurtooda ama ay doonayaan in ay sidaa yeelaan.
Qaarkood waxaa la biliijgareeyay markii ay dhasheen sida ay sheegtay Zainab hadana howshaas ayey ku sii jiraan.
Nigeria, meelaha qofkla laga ogaado in uu isticmaalay kareemooyinka laysku cadeeyo waa faraha halka ay ka laabmaan. Gacanta inta kale way cadahay balse meelahaas weli waa madow yihiin.
Sidoo kale dadka caba sigaarka iyo kuwa maandooriyaha isticmaala ayaa la mid ah oo meelahaas ka madow. Mararka qaarna waa laysku qaldi karaaa qofka in uu yahay mid is-cadeeyay ama mid sigaarka caba.

Fatima waxay sheegtay in gabdhaheeda oo 16 iyo 14 jir ah ay sidaas la kulmaan.
“Waa la takooraa- farta ayaa lagu soo fiiqaa iyadoo loogu yeerayo in ay qabatimeen daroogo. Aad ayey tani u sameeysay” ayey tiri.
Labadooda waxay waayeen wiilashii saaxiibada la ahaa sababtoo ah ma jiro qof doonaya in uu la socda qof lala xiriirinayo maandooriye.
Waxaan booqanay suuqa caanka ee Kano halkaas oo ah meel lagu sameeyo kareemooyinka qasqaska ee laysku cadeeyo.
Suuqa waxaa ku yaal dukaamo badan oo hal dhinac ah oo lagu iibiyo kareemooyinka laysku cadeeyo.
Kareemooyinka qaar waa diyaar balse waxaa jira kuwa aad dooran kartid waxa laga sameynayo kaddibna adigoo taagan ayaa laysku darayaa.
Waxaan ogaanay in badan oo ka mid ah kareemooyinkaas in ay ku qoran yihiin in carruurta loogu talogalay, waxaana ku jira waxyaabo la ogolaaday.
Sidoo kale waxaan suuqa ku aragnay gabdho yar yar oo jumlo u iibsanaya kareemooyinka laysku cadeeyo kaddibna waxay ka sii iibinayaan saaxiibadood.
Haweeney uu doorsoomay midabka gacmaheeda ayaa sheegtay in laga iibiyay kareemo lagu daray walxaha lagu cadeeyo carruurta. Intooda badan lama socdaan heerka la ogolyahay in la isticmaalo.

Dr Leonard Omokpariola oo ka tirsan hay’ada Nafdac ee nidaamisa cuntada iyo daawooyinka ayaa sheegay in la sameeyay isku dayo dadka lagu barayo khataraha.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la sameeyay dadaalo lagula wareegayo waxyaabaha midabka lagu cadeeyo balse wuxuu sheegay in mararka qaar ay adag tahay in saraakiishu aqoonsadaan walxahaas.
Fatima waxay sheegtay in wixii ay sameysay aysan weligeed ka hareynin ilaa inta carruurteeda ay ka soo noqonayaan midabkooda. Hadda waxaa ka go’an Fatima in ay caawiso waalidiinta kale si ay uga fogaadaan khaladaadkii ay sameysay in iyagana aysan sameyn.
“Inkastoo aan joojiyay hadana saameynteeda weli igama harin, waxaan ka baryayaa waalidiinta kale in ay igu tusaale qaataan”.