7th September 2024  admin  Category :

Haweenaydii u hiilisay danyarta Soomaalida ee ugu dambeyn gacantooda ku baxday

In ka badan konton sano ayaa laga joogaa markii Annalena Tonelli ay timid Afrika markii u horreysay, isla sida oo kale labaatan sano ayaa laga joogaa markii lagu dilay isla Afrika, si gaar ah magaalada Boorama ee Somaliland.

Annalena, ayaa lagu xasuustaa dedaalladeedii nafhurka ahaa ee ay gashatay guud ahaan bulshada bariga Afrika si gaar ah Soomaalida kuwaas oo illaa hadda midhahoodii la guranayo, khaasatan, magaalada Wajeer, ee bariga Kenya oo ay tagtay1969.

Bulshadu weli waxa ay isticmaalaan weedhihii ay u adeegsan jireen marka ay booqanayaan goobteeda caafimaad oo weli magacii leh. Weedha ‘Ina mariya u tagnee Annaliina’ ama weedha afka qalaad ee ‘Let’s go to Annalena!’, weli waa ay jirtaa.

Taariikhdeedii iyo shakhsiyaddeedii

Tonelli waxa ay ku kortay magaalada Forli, oo u dhow Bologna, oo ah waqooyiga Talyaaniga. Waxaa loo tababaray qareennimo laakiin nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay daawaynta qaaxada, ugu horrayn Kenya iyo markii dambe oo ay ka bilawday Soomaaliya.

Waxa la soo weriyaa in ay daaweysay tobanaan kun oo qof oo iyada la’aanteed u dhiman lahaa cudurkan.

Tonelli ayaa lagu tilmaamaa in ay ay ahayd xirfadle aad u heer sarraysa, oo leh dulqaad, geesinimo iyo fikir midhadhalkiisii muuqdo.

In kasta oo wax yar ka hor dhimashadeeda lagu aqoonsaday oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaxootiga ee Nansen, oo ay bixiso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), haddana maanta, aad looma yaqaan weliba dhulkii iyo dadkii ay wax gashatay way adagtahay in jiilka danbe ay gartaan magaceeda.

Tonelli, markii ugu horreysay waxa ay tagtay Kenya 1960-kii, si ay halkaas macallin uga noqoto, kaddibna si lama filaan ah waxa ay ugu biirtay dhanka caafimaadka, xilligaas oo ay si mutadawacnim ah uga shaqaysay cusbitaal ku yaal Wajeer, oo ah degmada xudduudda Waqooyi ee Kenya, xilligaas oo uu dillaacay xanuunka daacuunku.

Dhulkaas badankiisa waxaa ku noolayd Soomaali intooda badan ahayd xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Saddex-meelood meel hal meel oo keliya ayaa bukaannada TB-da oo aad u baahday wakhtigaas laga daweeyey, maxaa yeelay badi dadkaasi waxay joojiyeen daawaynta markii ay soo yara roonaadeen.

Tonelli ayaa wakhtigaas abuurtay fikradda ah in lix bilood la baanto si aanay dawada u joojin, taas oo markii danbe lagu reeyey.

Tonelli waxaa la eryey oo laga caydhiyey Kenya ka dib markii ay faafisay xasuuqii Wagalla 1984-kii, xilligaas oo ciidamada Kenya ay dileen boqolaal -iyo laga yaabee kumanaan ahaa dadkii Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqnaa.

Waxa ay ku soo laabatay Yurub oo ay koorasyo ka qaadatay dugsi aqooneedka Liverpool School of Tropical Medicine. 1987-kii, waxay dib ugu soo laabatay Soomaaliya, waxayna bilawday daawaynta Qaaxada, oo ay ugu horreyn ka bilawdey Beledweyne, ka dibna Muqdisho, ugu dambeyntiina magaalada Marka, iyada oo sida la sheegay isku dayaysey in ay ka fogaato dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

.

“Intii lagu jiray macaluusha Soomaaliya, waxay badbaadisay nolosha kumannaan Soomaali ah ‘oo haddii kale gaajo u dhiman lahayd’ ayuu ku qeexay Emanuele Capobianco, oo ah sarkaalka dabeysha u qaabilsanaa UNICEF Soomaaliya wakhtigaas.

Xilligii ay ka shaqaynaysay Boorama sagaashameeyadii, waxa ay u fududaysay 28 haween ah oo dumar ah oo ku shaqaysan jirey gudniinka fircooniga ah, in ay nolosha is badal ka sameeyaan, iyada oo guddoonsiisay lacag kaash ah oo ay ganacsiyo ku furteen, xaaladdaas oo sababtay in ay iska joojiyaan shaqadii gudniinka.

Sidee wax u soo gaadheen intii ay ku jirtay tabarucaadkaa ay ka waddey Soomaaliya?

Inkasta oo lagu tilmaamay in ay ahayd haweenay dhiirran xilli ay nolosheeda intii ugu badnayd ka shaqaynaysay dhul aad u halis badan, haddana waxaa jirey marar badan o ay dhibaatooyin kala duwan la kulantay.

Dalka Kenya sannadkii 1974-tii, iyada iyo gabadh kale oo Talyaani ah oo ay isla shaqeynayeen, oo lagu magacaabo Maria Teresa Battistini, waxaa garaacay oo gacan u la tegay laba nin oo u arkayay inay gaalo yihiin.

1990 kii magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya ayaa iyada iyo xubno ka mid ah shaqaalaheeda lagu af-duubtay mid ka mid ahna si xun ayaa loo dhaawacay ka hor inta aysan soo badbaadin askarta dowladda.

Muqdisho 1991 kii gurigeeda ayaa loogu dhacay iyada oo lag qabtay qori. Gurigeeda ayaa la rasaaseeyey, waxaanaloo soo diray warqad qoraal ah oo loogu hanjabayo in la dilo doono.

Magaalada Boorama, cusbitaalkii ay ka furtay dhawr jeer ayaa la dhagxiyey iyada oo lagu eedaynayey in bukaankii qabay xanuunka HIV-ga e ay daweynaysay ay iyadu ahayd qofka qaadsiinaya.

Sidaa oo kale sida lagu soo tebiyey buug laga qoray, marar badan ayaa la weerayay oo dhibaatooyin kala duwan la gaadhsiiyey.

Sida ay soo xigatay qoraa Pieh Jones waxay sheegtay in laga sheegay in weligeed “aanay cabsi muujin, waxayna rumaysnayd sababta ay weli u nooshahay in ay tahay in ay jirto maalin anay dhaafayn”

Dhmashadeedii

.

Inkasta oo ay dhibaatooyin badan la kulantay intii ay ku jirtey halgankeedii nafhurnimada ahaa ee kelida ay ku ahayd. Waxaa xaal is beddelay markii HIV/AIDS-ku uu soo gaadhay Soomaalida, kaas oo yareeyey bukaannadii qaaxada ee ay la tacaali jirtey. Markale ayay u hollatay ka hortagga iyo daaweynta dadka qaaday cudurkan, waxaa se weli jirey dad ku eedaynayay cudurkan cusub.

Sida ay qoraa Pieh Jones oo aad u dabagashay nolosha iyo taariikda Annalena ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan WHO, dad badan ayaa khatar ku ahaa iyaga oo eedda ka dhigayey in bukaanka AIDS-KA aysan daaweyn ay se iyadu tahay tan qaadsiisa.

Lama hubo, in cadhadaas ay ku taxaluqday ama dano kale la xariireen, balse habeen ay taariikhdu ahayd 5 ta October, 2003 dii, ayaa ay madaxa ay ka toogteen laba nino oo hubaysan, xilli ay ka soo baxday cisbitaalkeedii.

Laba toddobaad ka dib, laba macallin oo British ah ayaa iyana lagu toogtay magaalada Shiikh oo ka tirsan isla Somaliland.

Pieh Jones ayaa amminsan in “Annalena ay ahayd dhibbanihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee wax ka soo gaadhaan kooxda noqon doonta al-Shabaab.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*