7th September 2024  admin  Category :

Hambalyo Raisal wasaraha somalia Mohamed Hussein Roble: Doorkii hir gelinta doorashada aqalka sare iyo golaha shacabka.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Raisal Wasaaraha Somalia Mohamed Hussein Rooble, Raisal wasaare waxaad muujisay hogaamin siyaasadeed ,hal adaygnimo, hawl kar masuuliyadeed, halbeeg umadeed iyo hufnaan xil gudasho, ka dib markii aad ku guulaysatay hir gelinta doorashada aqalka sare iyo golaha shacabka iyo sidoo kale doorashadii adkayd ee gudoonada iyo ku xigoonadoodaba.

Duruufo qalafsan ayaa ku gedaanaa doorashadan taas oo aan hadal iyo qoraal midna lagu soo koobi karin..Waxaa dalka ka dhacay khilaaf sayaasadeed oo uu madaxweynu hogaan ka ahaa in aan doorasho dhicin ee muddo kororsi la sameeyo taas oo golihii shacabkuna ku dhex milmay siyaasadii muddo laba sanno ahna lagu darsaday.

Waxay taasi keentay in dalkii khatar weyn galo oo dagaal bilaabmo iyada oo laysku adeegsanaayey hubka culus.

Runtii habeenkaas ramadan ayey aheed waxaanan joogay hotel dayax guri u dhow, xaaladu siday aheedna aniga uun baan qiyaasi kara.Raisal wasaaraha waxaan ku bogaadinaynaa doorkii uu ku lahaa.

Doorashooyinka xildhibaanadda iyo xulista ergooyinka maamul goboleedyadaGo,aankii uu ka qaatay dilkii ikraan tahliilShaqo joojintii uu ku sameeyey Fahad yassinQaboojintii dagaalkii ka dhashay muddo kororsigaIsku wadkii iyo wadatashigii aad sida joogtada ah ula yeelanaysay golaha madasha qaranka.

Isku soo dhoweentii iyo abuuristii jawi wadashaqayneed ee Gud.Abdi hashi iyo Dpy mahdi oo gardarro badan ku shaqaynayey isaga oo farmajo u adeegayey.

Dulqaadkii aad muujisey markii lagaa hor istaagay in aad xafiiskiiskaagii ku shaqeeyso oo ciidamo kaa hor istaageen. Kuwaas oo fowdo waday.

Cafiskii aad u sameeyeysay dhamaan saraakiishii ku lugta lahaa is hortaaga in Raisal wasaraha qaranku xafiiskiisa tago.La wareegidii masuuliyadda amniga qaranka iyo doorashooyinka oo aad si degan iyo odaytinimo iyo taxadar leh ku maamushay, hir gelinta doorashooyinka qaranka.Goaankii aad ka qaadatay 16 xildhibaan ee gedo, in ceelwaaq lagu doorto iyo aanay codayn maadaama la rabo in fowdo dhacdo.

Cayrintii taliyaha amisom oo faraha kula jiray arimo xasaasi ah oo nabad gelyada ka soo horjeeda.Soo celintii xiriirkii Imaaraadka oo noqday talaabo taariikhi maadaama imaraadka ay inaga dhaxayso xiriir dhaqan iyo dhaqaale soo jireen ah.

Dib u celintii lacagtii laga xayiray imaaraaka kadibna farmajo diiday.Fasaxadii lacagtii $11.7 million ee world bank ugu talo gashay mashariicda somaliland taas oo loo wareejiyey taakulaynta ganacsatadii ku hanti beelay dabkii suuqa waaheen.Iyo wax badan oo kale oo mudadii koobnayd aad qabtay oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Iyadoo la eegayo wax qabadkaagii iyo daacadnimadadii masuuliyadeed iyo samata bixinta doorashooyinka qaranka ee aad ku guulaysatay waxaan ilaahay marka hore kaaga baryayaa in Alle subhanahu watacala jazaa Al khayr kaa siiyo.

Marka labaad waxaan leeyahay Raisal wasaare Mohamed Hussein Rooble waa ninka keliya ee qarankan hogaamin kara isla markaa waa in madaxweyne laguu doortaa doorashada soo socota.Is sharax mudane raisal wasaare ilaahay idankii waad helaysaaye.

Guulayso Raisal Wasaare, waad ku mahadsan tahay hawsha aad qaranka u qabatay.Taariikhda ayaa ku xusi doonta insha allah.

Qore aqoon yahanAbdirizaq NurLondon\

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*