12th February 2025  admin  Category :

Halkee maraysaa hawshii sahaminta shidaal ee Soomaaliya?

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis uu dhammaystiray 50% baadhitaannadii seismic ee uu ka waday badda Soomaaliya, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Markabka seismic-ka ee Turkiga, Oruc Reis, ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ku xidhay dekedda Muqdisho, si uu u fuliyo hawlgal lagu sahminayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Dahir Shire Mohamed, iyo wafdi uu hoggaaminayay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X.

“Waxaan ka wadahadalnay marxaladda xigta ee baadhitaannada sahminta iyo iskaashiyo cusub oo aan ka samayn karno dhulka,” ayuu yidhi wasiirka Türkiye.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay bilaabeen nidaam iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta ah oo ay la yeelanayaan Soomaaliya, kadib kulanka ay yeesheen.

“Waxaan sii wadi doonnaa dedaallada aan ku horumarinayno iskaashiga tamarta iyo macdanta, si uu u noqdo mid u qalma xidhiidhka dhow iyo walaaltinimada ka dhaxaysa dalalkayaga,” ayuu raaciyay Bayraktar.

Markabka Oruc Reis ayaa ka shaqaynaya baadhitaanno hab saddex-geesood ah (3D) ah looga sameynayo biyaha Soomaaliya, si loo ururiyo xog muhiim ah oo lagu ogaanayo suurtagalnimada ceelal saliid iyo gaas ah.

Hawlgalkan sahminta ah waxaa la qorsheeyay inuu socdo lix ilaa toddoba bilood, iyadoo xogta la aruuriyay lagu falanqeyn doono magaalada Ankara, si loo ogaado goobaha ugu habboon ee laga qodi karo ceelal shidaal.

Sidee buu u shaqeeyaa markabka Oruc Reis?

Turkiga

Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.

Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.

Tan iyo markii la sameeyay waxa uu fuliyay howlgallo sahmin ah, waxa uuna uruuriyay xog guud oo bedkeedu yahay 23,000 kiiloomitir laba jibaaran ah.

Markabkaan ayaa horay howlo sahmin ah loogu diray badda Mediterranean-ka, isaga oo ka dhaqaaqay dekedda lagu magacaabo Antalya oo ku taala koonfurta dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday bariga Mediterranean-ka.

Safarkaas sahminta ah waxaa ku wehlinayay laba markab oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han.

Ujeedkii xilligaas loo diray ayaa ahayd sahan juquraafi, iyo raadinta khayraad dabiici ah.

Xilligii uu howlgalka billaabay markabkaan wixii ka danbeeyay Turkiga ayaa dirayay maraakiibta qodista shidaalka si ay u sahamiyaan kheyraadka tamarta ee bariga Mediterranean-ka, iyagoona howlgallo kale ka sameeyay waqooyiga Qubrus.

Wixii xilligaas ka danbeeyay waxaa soo baxayay dalal daris la ah Turkiga oo uu kamid yahay Giriiga, kuwaas oo diidanaa howlgallanaad iyadoona dowladda Turkiga ay ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah danaha dalkooda oo ah midka ugu xeebta dheer Mediterranean-ka.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.

Aagaggaan shatiga loo heysto ayaana laga sameyn doonaa sahanno, cabbirka goobahaan ayaana lagu sheegay qiyaastii 5,000-kiilomitir laba jibbaaran iyo 1,930 mayl laba jibbaaran.

Horraantii bishan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga iyo wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay markabka Oruç Reis, oo Soomaaliya ku wajahnaa.

Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ka hadlayay bixitaanka markabkaan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, waxa uu ku yiri: “”Oruç Reis, oo adeegyo muhiim u ah dalkeenna ka qabtay tan iyo 2017, hadda waxa uu Soomaaliya ka samayn doonaa hawlo seismic ah oo dhan saddex goobood oo shati leh”.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay Soomaaliya oo muddo dheer ku jirtay colaado iyo xassilooni darro “in hadda kadib ay noqon doonto mid ku tillaabsata hormar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad,” waxa uu intaa ku daray in ay war wanaagsan ka filayaan howlaha cilmi baarista seismic, oo ay ka bilaabayaan xeebaha Soomaaliya.

Markabka sahminta ayaa ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga.

Oruç Reis oo uu marinkiisu yahay badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbi doonaa kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacayaa Badda Cas si uu ugu soo xirto meel u dhaw biyaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*