29th March 2024  admin  Category :

Guutada 1Aad Ee Ciidanka Darawiishta G/Hayland oo Gacanta Ku soodhigay gaadhi Khamro wadda.

Guutada 1Aad Ee Ciidanka darawiishta Gobolka Hayland Ee Puntlnd ayaa Xili Subaxninadii hore waxay gacanta Ku soo dhigeen Gaadhi nooca loo yaqaan Marked Twoga oo wadey maandooriyaha Khamrada kaas oo ay ka soo qadeen Meel u dhow Magaalada Laascaano ee Gobolka Sool.

Gaadhigan Khamrada wadda ayaa Ciidanku Ku qabteen kantaroolka degmada Buraan Ee Gobolka Hayland Halkaasi oo ay Howlgalo Shaqo u jogeen guutada 1Aad Ee Ciidanka darawaashta Puntland.

Kornayl Feysal Warsame Seed Xanaano,  ayaa Sheegay In ay Xabsiga dhigeen 3Nin oo ahaa ragii khamradan ka ganacsanayey iyo gaadhigoodiiba,Waxaana ay Ku xidhanyihiin saldhiga Bartamaha Degmada Buraan.

Sarkaalkan ayaa sheegay In Ciidanka darawiishta oo kaashanaya Boliiska degmada Xingalool iyo Buraan ay Ku guuleysteen In khamradan la qabto.

Taliyaha ayaa sheegay Inay Khamrada iyo dadkii watayba la tiigsanayaan Maxkamad loona gudbinaya Maxkamada derejeda 1Aad Ee Shanta Gobolka Ee Bosaso.

Wuxuu Intaasi Ku daray In khamradan laga soo tahriibiyo dalka Ethiopia ayna soo Margo Xuduudaha Sool iyo Sanaag dabadeedna Garoowe iyo Bosaso lugu kala iibsado ,Magaalada Buhoodle ayaa laga soo Qaada oo la keena Ceel daahir oo 90Km Bosaso u jirta.

Maxamed Axmed Ciise

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*