23rd January 2025 admin Category :
Maxamed Cumar Carta. oo xubin ka noqday madasha Qaranka si uu xildhibaanadda Sool iyo Sanaag uGu gacan geliyo beeshiisa SNM
Shirkii madasha Qaranka ee ka socday Muqdisho ayaa soo gebageboobey , waxaana lagu heshiiyey in Xildhibaanada ka mid noqonaya Aqalka sare, eee Baarlamaanka Soomaaliiya, ay Soomaali wax ku qaybsato 18ka Gobol . Gobol kasaana sida DasuurKa ku qorani uu ka helo Aqalka sare sadex Xildhibaan , Taasina waxay meesha ka saaraysaa damacii iyo boobkii maamulka SNM ay ku doonayeen inay xildhibaanada gobolka sanaag ee Aqalka sare ay iyagu bililiqaystaan oo ku dhacaan magaca Ra’isawasaare ku xigeen. 18 gobol ee Soomaaliya ee Xildhibaanada Aqalka sare lagu qaybsanayo ama laga soo xulayo, ayaa reer Maakhir waxay sharci ahaan uga helayaan Aqalka Sare labo kursi oo ay ku helayaan degmooyinka ay ka degan yihiin. gobolka Sanaag . Taasina waa guul u so hoyaay bulshada Maakhir