19th September 2024  admin  Category :

Denbiga ay galeen waa Dawladnimada  ay raadinayeen, Muqdishona ay noqotay Caasimadooodii ay u soo shaqo tageen oo ay  safarka dheer u soo galeen,  iyaga oo ka yimid Waalidkood. ehelkoodii asxaabtoodii iyo degmooyinkii ay ku koreen.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ka tagtay gobolada Soomaaliya oo u shaqaynayey dawladda Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, ama Muqdisho qura ka shaqaysa ayaa xalay inta guryahoodii loogu soo   dhacay, iyaga oo la ugaarsanayo mid mid loo dilay. Saacad ka dibna nimankii dilka gaystay  muuqaal ayeey iska  soo duubeen oo ay soo mariyeen Warbaahinta reer  Muqdisho , Fariintan ay Dadqalatooyinku Warbaahinta Muqdisho soo mariyeen ayeey ku sheegeen dadka ay xasuuqeen  inay  Muqdisho  u soo shaqo tageen oo dawladda u shaqaynayeen,

Dhalinyaradan guryahooda  loogu dhacay oo  qaarna la dilay qaarna la dhaawacay ayaa ka soo kala jeeday Gobolada Bari, Sanaag iyo Sool, iyaga oo ah 1% shaqaalaha dawladda fedeeraalka Soomaaliya  ee Muqdisho xaruntoodu tahay.

Allah u wada naxariistee Dhalinyaradii loo dilay Muqdisho ayeey  u soo shaqo tagteen oo dawladda ayaad u shaqaysaan  ee ka soo jeeday gobolka Sool ayaa kala ahaa

1. Cabdixakiin Cali doob
2. Negeeye xuseen xasan
3. jaamac Xasan mataan
4. Cabdisemed Guray saleebaan

Aqoomyahan Siciid Black iyo dhalinyaro kale ee ka soo jeeada gobolka Sanaag dhaawac ayaa iyagana  soo gaaray

Dadka Dhaawaca ah ee Kasoo Jeeda Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Bosaaso iyo Waaciye ayaa kala Ah:-

1-Maxamed Siciid Saleebaan.

2-Maxamed C/laahi Yusuf Buuxe.

3-Ibraahim Maxamuud Yusuf.

4-Maxamuud Shakiib.

5-C/aalhi Faarax.

6-Cismaan Maxamed Yaasiin Cadami.

Allah Haw Naxariistee Maxamuud Shakiib oo ka mid ahaa dadkii Qaraxyadii Muqdisho ku dhaawacmay ayaa maanta Geeriyooday.

Image may contain: 2 people, people smiling

 

Dhamaan dhalinyaradan guryihii ay deganaayeen ayaa loogu soo dhacay oo qaarna lagu dilay qaarna lagu dhaawacay.

Ugu danbayntii waxaan tacsi u diraynaa dhamaan qoysaskii caruurtooda lagu dilay Muqdisho,  iyaga oo Soomaalinimo iyo dawladnimo raadinaya oo safar dheer u soo galay . Waxaan canbaaraynayanaa Dadqalatooyinka iyo kuwa buun buuniya , daabaca ama ka sheekeeya Fariinta dadqalatooyinka. Waxaan umadda Soomaaliyeed oo dawladnimada jecel  ugu baaqaynaa in Muqdisho caasimad Soomaaliteed sii noqon karin oo looga  guuro magaalo kale oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya.

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*