19th November 2024 admin Category :
Buuraha Calmdow ha loo daayo sida ay maanta tahay
Gurigii ugu horeeyey ee laga dhiso Buura Calmadow
Bulshada reer Maakhir oo afar qarni ka hor dabaqyo ka dhisanayey magaalooyinka Soomaaliya ee ku yaala xeebta badda Cas sida Laasqoray, Durduri, Cadcado iyo Ceelaayo, oo maanta magaalooyinkii hormarkaas iyo ilbaxnimadaasi ka socdeen ka dhigay degaano ay Bisaduhu ku hoydaan, ayaa waxay u hangal taagayaan in beel walba oo reer Maakhira inta ay buurta Calmadow ka degaan ay manta ka samaystaan Tuuloyin la mid ah kuwa tirade badan ee hadda ka Jira gobolka Sanaag oo qoys qoyska loo degan yahay. Sababna u ah dib u udhaca ku yimid bulshada reer Maakhir hadii ay ahaan lahayd dhinac dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Tusaale ahaan, Qarni ka hor sida uu ku qoray xasuus qorkiisii Allah ha u naxariistee Ibrahim Ismaaciil Uurcad, waxa uu ku dhashay Buurta Calmadow, wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Laasqoray iyo Durduri, wiilkii uu dhalay wuxuu ku barbaaray Ceelaayo, kii uu awoowaaha u ahaana Buraan, kii uu sii dhalayna Balibusla.
Hadaba caqli gal ma tahay in bulshada reer Maakhir ay ku jiraan giraantan wareegaysa oo maalin walba Tuulo tuulo looga guurayo oo Maantana qaar ka mid ah bulshadan reer Maakhir ay ku jirto damac ah inay Tuulo ka samaystaan buurta Calmadow iyaga oo doonaya inay hal maalin cagta ku mariiyaan kaydkii qarniyada la ilaaliniyey oo loo isicmaalayey danta guud.
Si arintan magaalaynta Buurta barakaysan ee Calmadow looga hortago iyo in la nabbaad guuriyo quruxdadegaanka, waa in guddi aqoon u leh cilmiga degaanka iyo kheyraadka loo saaraa si ay uga soo talo bIixiyaan mustaqbalka ay yeelanayso iyo sida looga faaiidaysan doono Buurta.
Inta ka horysa talo bixinta guddigan loo saarayo Buurta Calmadow waxaan ka digaynaa in Cagaf la geliyo buurta Calmadow. Kuwo iimaanlaawayashana waxaan kula talinaynaa haddii ay doonayaan inay Tuulo Buurta Calmadow uga sameeyaan qoyskooda, ha cimireen tuuladdii markii hore qoyskoodu ku lahaayeen ama ka deganaayeen gobolka Sanaag
Ugu danbaynii haddi aad doonayso quruxda buurta Calmadow Xeebta Laasqoray iyo dhulka taariikhiga ah ee ku wada aasan yihiin Shekh Daarood iyo Sheekh Harti inaad hal maalin aad wada aragtid ama aad isu martid guri ka dhiso magaalada Badhan ee goblka Sanaag waa Baladkaagiiye.