
14th March 2026 admin Category :
Gudoomiye Cabdirisaaq oo canbaareeyey Diyaaraddii la afduuntay
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said Oo cambaareeyey falalka caburinta iyo khatar-gelinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku samaysay xildhibaannada iyo shacabka ku soo laabanayey deegaannadooda.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa falalka caburinta iyo khatar-gelinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku samaysay xildhibaannada iyo shacabka ku soo laabanayey deegaannadooda iyagoo sooman.
Horay ayaa xildhibaannadan loogu diiday gelitaanka xarunta Baarlamaanka, maantana waxaa loo diidey inay ku laabtaan deegaannadooda. Tallaabooyinkan is-daba-joogga ah waxay muujinayaan xigmad-yari iyo burbur ku yimid hay’adihii federaalka, taas oo khatar ku ah nidaamka dowladnimo iyo wadajirka ummadda.
Waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku doonayo inuu samaysto dastuur u gaar ah iyo sii-joogitaan awood ku dhisan rabitaan shaqsiyeed, halkii laga ilaalin lahaa dastuurkii lagu heshiiyey.
Waxaan si gaar ah uga xumahay, uguna tacsiyeeynayaa shacabka Soomaaliyeed in cid magocoodii wadata ay Saas dhan u dhibaatayso ,Tani ma aha mid waafaqsan anshaxa dowladnimo, iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Si kasta oo la isugu dayo caburin iyo cadaadis, shacabka Soomaaliyeed — gaar ahaan reer Puntland, shacab iyo dowladba — marna ma aqbali doonaan dastuur qof gaar ahi sameystay oo ka baxsan Dastuurkii 2012, mana aqbali doonaan in xukun lagu sii joogo si khasab ah, laguna kala fogeeyo ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, waxaan leeyahay:“Boowe, hortaa jiribe waa!”







