28th March 2024  admin  Category :

Gudiga lagu sheegay : Dhab U heshiisiinta Federaalka iyo Somaliland !!

Gudiga lagu sheehay : Dhab U heshiisiinta Federaalka iyo Somaliland !!.
…………………………………
Maalmahan waxa boodhka laga jafay Guddi lagu sheegay dhab u heshiisiin Federaalka iyo Somaliland, hadaba maxaa xiligan keenay in gudigaas la dhaq dhaqaajiyo ?

Guddigan oo Madaxweyne Farmaajo magcaabay ayaa sida ay u shaqaynayaan iyo hab raacoodu caddayn , dad badan oo arimahani khuseeyaana ka biyo diideen.
Gudigu Somaliland intee u yaqaaniin ma Maamulka Muuse Biixi baa ? ma Gobollada Waqooyi baa ? ma Beesha Isaaq baa ? Maxaa laga la heshiinayaa ma arimo siyaasadeed baa ? ma arimo dhacay dagaalkii sokeeye baa ? su’aalo badan oo ku gedaaman ayaan caddayn la iskuna waafaqsanayn.

Tusaale ahaan Cabdiraxmaan Guulwade oo xubin ka ah Guddiga ayaa Puntland ku sheegay “Meel Burburaysa” !!

Waa su’aale ma ninka sidaa u hadlaya ayaa dib heshiisiin samaynaya , Sidee u meteli karaa bulshada Soomaaliyeed maadaama ay cuqdad iyo cadaawadi ka muuqato.

Dadka siyaasada ka faallooda qaarkood ayaa waxay u arkaan in Madaxweyne Farmaajo oo sidii uu rabey uga muuqan weydey habka doorasho ee 2020/2021 ka uu rabo inuu arinta furitaanka wada hadalka Dawladiisa iyo Somaliland ka dayo muddo kororsi .

Farmaajo wuxu rabaa inuu beesha Caalamka hordhigo in fursad loo siiyo sidii looga midho dhalin lahaa in Somaliland qayb ka noqoto doorashada soo socota , sidaa awgeed na 2 sano oo kala guur ah (transitional Period) loogu daro xil hayntiisa .

Waa dhaq dhaqaajin salka ku haysa dano siyaasadeed oo Farmaajo rabo inuu mudo xileedkiisa ku kororsado, ee wax dan Soomaaliyeed ah oo gudiga loo dhaq dhaqaajiyey majirto!. Waana kuwa Puntland oo nabad ah oo maamul iyo kala danbayn leh ku sheegaya meel Bur buraysa taasoo ku tusinaysa sida niyadooda xumaan Soomaaliyeed ugu jirto oo aaney Ujeedooyin fiican u lahayn.

Qalinkii : runta la noolow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*