4th December 2024  admin  Category :

Maamul Goboleedka Hargeeya ayaa ka hor yimid gudigii dib u heshiisiinta ee uu magacaabay Madaxweeyne Farmaajo. Maamulka ay dhisteen SNMta ayaa isku arka ineey yihiin dal madaxbannaan, waxeeyna ku andacoonayaan in raga gudigan ka mid ah ay la soo shaqeeyeen dawladdii Kacaanka, meesha Muuse biixi oo ka mid ahaan jiray ciidankii dalka Soomaaliya uu maanta maamul goboleedka Hargeeys uu ka yahay madaxweeyne; sidoo kalana maamulkaas waxaa siyaasiyiin u ah rag badan oo la soo shaqeeyey dawladdii Kacaanka. Waxaase is weeydiin leh nin isagiiba dawladdii Kacaanka u soo shaqeeyey oo misna diidan inuu hor fadhiisto mid kalle oo dawladdii horre u soo shaqeeyey.

Arrinta kalle oo ay ku diidan yihiin gudiga ayaa ah iyagoo leh waxaa ku jira shaqsiyaad ka soo  jeeda gobolada kale sida Sool iyo Sanaag. Sool iyo Sanaag iyo beesha Isaaq wax iska quseeyaa ma jiraan, cidda wax tabaneeysa ee leh Soomaaliya waan ka go’aynaa maadaama dad nalaga laayey waa beesha SNMta ku abtirsata.

Marka yaa wadahadal rabba in lala sammeeyo? Waxaa wadahadalka doonaya waa beesha Isaaq;

Maxeey wadahadal u rabbaan? Dawladdii Kacaanka ayeey leeyihiin dad ayeey nagga dishay;

Haddii dawladdii Kacaanka dad ka dishay beesha Isaaq xalka muxuu yahay? Waxeey leeyhiin sababtaas darteed ayaan u goosaneeynaa oo waxaan rabnaa inaan noqono dal madax bannaan;

Maxaa gobolada Sool iyo Sanaag ka quseeya wadahadalka lala galayo beesha Isaaq iyo goosashada ay goosanayaan? Wax ka quseeyaa ma jiraan;

Sool iyo Sanaag ma waxeey wax ka dhisteen maamulka Soomaaliland? Maya wax ay ka dhisteen iyo wax ay ka yihiin midna majiraan;

Maxeey SNMta u yiraahdaan shirkii Burco iyo Boorama waxa lagu go’aamiyey in Soomaaliland lagu dhawaaqo?

Shirkii Burco iyo Boorame waxeey ahaayeen shirar lagu heshiinayey beelaha waqooyi degan maadaama dagaalo ay dhex mareen beelaha Isaaq oo dhinac ah iyo Gudibiirse, Warsangeli iyo Dhulbahante oo dhinac kalle ah, waxaana la iska dilay dad aad u badan, marka ujeedka waxa uu ahaa in nabbad lagu wadda noolaado, balse in Soomaaliya laga go’o ma aheen;

Marka beesha Isaaq waxa ay rabtaa maxeey yihiin? Waxeey rabbaan in iyaga lala hadlo oo ay ciyaaraan kaarar badan mar ay yiraahdaan waa nala xasuuqay, marka kallana ay yiraahdaan 1960 qaran baan aheen dawladnimadeenii ayaan la soo noqonay, marna ay yiraahdaan dadka waqooyi degan oo dhan ayaa wada dhistay Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*