16th September 2024  admin  Category :

Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Khawaarijta iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga dhagarta Khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan talisyadda Ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini’aadanimadda lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*