9th October 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka PL

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DGPL ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cid kasta oo sameeysa horumaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*