9th October 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha G/ Shacabka Oo Kormeeray Xarunta Golaha Wakiilladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kormeer ku tagay Xarunta Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Barlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa xarunta Golaha Wakiilada Puntland ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo mid mid u kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan aggaasimeyaasha iyo howlwadennadda Golaha Wakiiladda Puntland waxaana uu boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*