7th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestey magacaabida Guddiga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ka soo horjeestey magacaabista guddiga doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo ka mid noqon lahaa guddiyada doorashooyinka.

Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi (Dir Waqooyi)aysan ka warqabin,isla markaana matalin.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*