26th December 2024 admin Category :
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo soo Gaaray Magaalada Garowe.
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.
Mudane; Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Goalaha wakiillada ee Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) iyo xubno ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi.