18th April 2024  admin  Category :

Todoba Bilood ayaa harsan, waxaana la bilaabay qaban qaabada maalmaha Xaawo taako ubax la dhigi doono

Maalin ka dib markii Wasiir Maareeye shir gudoomiyey shirkii sidii Soomaaliya loogu dalxiisi lahaa, ayuu sidoo kale wuxuu shir gudoomiyey shirka Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo ay todoaba bilood ka harsan tahay

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

9

Guddigan oo dhowaan la magcaabay ayaa u badan Beesha Dirta, Raxanweyn iyo Hawiye

Maqalaay Warlaay Ma Laguu Warramay

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*