16th October 2024  admin  Category :

GUDDIGA MIISAANIYADDA, MAALIYADDA, QORSHEYNTA ISKAASHIGA CAALAMIGA IYO LA XISAABTANKA HAY’ADDAHA DOWLADDA EE GOLAHA SHACABKA OO KORMEER KU TAGAY DEKADDA MUQDISHO.

Muqdisho-Soomaaliya September,29,2024: Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iskaashiga caalamiga iyo la xisaabtanka hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekada Muqdisho, waxa uuna kormeerka guddiga ku saabsanaa mooshiinkii ama soo jeedintii Xildhibaanada Golaha Shacabka uga doodayeen Canshuurta Iibka iyo Cabashadii ganacsatada.

Ugu horeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo su’aalo laga waydiiyey cashuuraha iyo Lacagaha ay cabashada ka jirto.

Sidoo kale Guddiga ayaa kormeer ku soo maray xafiiska Hay,ada tayo dhowrka s
Soomaaliyeed waxa uuna wax ka weeydiiyay su.aallo la xiriira Cabashooyinka Ganacsatada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux iyo Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la shaqeysa ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*