4th October 2024  admin  Category :

Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka oo si buuxda xilkooda ula wareegey

Guddoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa maanta xilka kala wareegay Ku-simihii Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiiru dowlaha Wasaarada cadaaladda iyo dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoonka labada Aqal ee BJFS, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud,  xubnaha Guddiga, Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka labada Aqal Xildhiban Xuseen Iidoow, Xildhibaanada Laba gole ee Baarlamaanka, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha joogatada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Guddiga madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo igmaday, waxayna kula dardaarmeen in shaqada loo diray ay u qabtaan si danta dalka ku jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*