22nd September 2024  admin  Category :

GUDDIGA MAALIYADDA AQALKA SARE OO KULAN IS-XOGWARAYSI AH LA QAATAY WASIIRKA MAALIYADDA.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan is-xogwaraysi iyo kala warqaadasho ah kula qaatay xafiiskooda Aqalka Sare Wasiirka Maaliyadda Dr Cimi Maxamuud Nuur.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa la isku dhafsaday aragtiyo iyo falanqeyn ku saabsan Miisaaniyadda Qaranka ee 2023-ka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay horkeentay Baarlamaanka BFS labadiisa Aqal.

Guddoomiye Timacadde ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur uga mahad celiyay sida faahfaahsan ee guddiga Maaliyadda Aqalka Sare uu warbixinta iyo Jawaabaha uga siiyay xog-waraysigii maangalka ahaa ee ay ugu yeereen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*