16th September 2024  admin  Category :

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan is xogwareysi la yeeshay Madaxda Wasaaradda Bii’ada

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Bii’ada iyo Isbedelka Cimilada  khadija Maxamed Al-makhzoumi oo uu wehliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dr. Saciid Maxamed Cali.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid ayaa Wasiirka  looga dhageystay war bixinno ku saabsan Howlaha Wasaaradda uqabsoomay iyo halka ay marayaan Sharciga Maareynta iyo Siyaasadda Deegaanka iyo Isbedelada Cimilada. Wasaaradda ayaa guddiga u caddeysay in Sharciga iyo Siyaasaduba ay hor yallaan golaha Wasiirada dhawaanna loo soo gudbin Doono Golaha Shacabka. Sidoo kale Wasaaradda waxay guddiga usoo gudbisay Qorsho howleedka sanadka 2023 si guddiga ula socdo howlaha Wasaaradda oo uu kor joogteynta ku leeyahay.

kulanka ayaa ku soo dhamaaday waajibaad kala qaadasho iyo Isfahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*