10th October 2024  admin  Category :

Guddiga Joogtada ah ee G/Shacabka Oo Ansixiyay Xogayaha joogtada ah ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux,.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka,ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku Ansixiyey.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe,Ayaa yiri ” Xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay, isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*