23rd October 2024  admin  Category :

Goodax oo sheegay in uu fashilmay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Puntland

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka maanta ka bilowday gobolada hoos taga maamulka Puntland uu fashilmay.

Warkan ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka ayuu ka sheegay xilli uu maanta gaaray magaalada Jowhar waxana uu hore hadalo adadag uga sheegay Maamulka Puntland Wasiir Cabdulaahi Goodax.

Hase yeeshee warka Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu maanta daahfuray Madaxweynaha Putland Siciid Deni imtixaanka dugsiyada Sare ee puntland.

https://youtu.be/l5MmWXiPhbQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*