19th October 2024  admin  Category :

Qodobaddii ka soo baxay shir maalmo ka hor lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa si fiican uga hir galay degmada Badhan, saamayna ku yeeshay guud ahaa gobolka Sanaag.

Qodabaddii ka soo baxay shirka Badhameed , ayaa qaarkood sidii la filayey si ka fiican magaalada uga shaqaynayaan

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag, maanta calan aan ka ahayn kan Soomaaliya iyo Puntland kama taagnayn , ma jirin gawaari wadata Taarikada maamulka SNM oo magaalada lagu arkayey.

Sidoo kale gawaari Tikniko ah oo loogu talo galay inay xoojiyaan amniga magaalada ayaa afarta jiho ee magaalada ka hawlgelaya.

Odayaasha,waxgaradka iyo Qurba joogta beesha Warsangeli ayaa maanta ku guulaystay inay ka dhaadhiciyaan Saraakiishii ugu saraysay ee ka soo jeeday beeshooda ee u shaqayn jirtay maamulka SNM, inaanay qayb ka noqon duulaanka beesha isaaq ku soo qaadeen gobolka Sanaag, inaanay dhex dhexaad ka noqon, hase ahaatee ay Somaliweyn iyo midnimada Soomaaliya taageeraan

Labaddii Taliye ee uga sareeyey Beesha Maakhir ee u shaqayn jiray maamulka SNM ayaa maanta Xilalakii ay u hayeen maamulka SNM iska casilay,

Sareeye Gaas Xuseen dheere iyo sareeye guuto Xayle Xaaji,oo ka qayb galay dagalkii 77 ay Soomaalidu la gashay Xabashida, khibrad ciidan iyo waayo aragnimo dagaalna leh ayaa Xilkii ay u hayeen SNM iska casilay.

Ugu dnbayntii Xayle iyo Xuseen dheere. waxaanu leenahay guulaysta, waana ku mahad san tihiin maalintii Bulshada Soomaaliyeed iyo Qaranku idiin baahnayeen sida aad u garab istaagteen. Guud ahaan bulshada reer Maakhir dal iyo dibadba waxay diyaar u yihiin inay buuxiyaan kaalintooda oo ay idin garab istaagaan idinka iyo Qoysaskiinaba.

ALLLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*